Hub Cusub Oo Diyaaradaha Aan Duuliyaha Lahayn Lagu Soo Ridayo Oo La soo Saaray

0
421

khubarro ka tirsan ciidamada wadanka Maraykanka ayaa soo saaray hub cusub  oo loogu tallo galay in lagu soo rido diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drones-ka,kuwaas oo meelo kala duwan ka fuliya dilal qorshaysan.
saynisyahanadan ka tirsan ciidamada Maraykanka ayaa qeybihii ugu horeeyey ee hubkaas ka mid ka ah soo bandhigay,kaas oo noqonaaya tusaale,waxaanay sheegeen in aanu hubkani waxba yeelayn qalabka dhulka yaala ee ay diyaaradaasi ku shaqaynayso ama lagu hagaayo,waxaanu diyaaradaasi kasoo ridayaa ilaa 40 meter masaafo dhan.
culayska hubkan ayaa lagu sheegay inuu yaha in ka badan ilaa 4.5 kilograms,waxaanu khabiirka hawshan wadaa sheegay in hubkan loo adeegsan doono soo ridida diyaaradaha aan sharciyeysnayn ee dalalka qaarkood ay isticmaalaan.
khabiirkan ayaa intaasi ku daray in hubkan lagula dagaalami doono haddii ay diyaaradahaasi gacanta u galaan ama ay samaystaan kooxaha dagaalada kaga jira caalamka meelo kala duwan,gaar ahaana kooxaha ay reer galbeedku u yaqaanaan argagixisada.
wadamo badan ayaa soo jeediyey in aanu hubkaasi soo gelin suuqyada wax lagu kala iibsado ama suuqyada ganacsiga,waxa sidoo kale ay soo jeediyeen in diyaaradahaasi laga ilaalio iyagana ganacsiga kala duwan.

Leave a Reply