Khubarro Shiinaha U Dhalatay Oo Samaysay Beer Faalso Ah

0
415

Culimo dhanka Sayniska ah oo u dhashay wadanka Shiinaha ayaa soo saaray beer  faalso ah, kaas oo ay u sameeyeen hab cusub oo aan hore caalamka loogu samayn,waxaanay khubaradan sayniska ahi ku rideen talaagad si ay uga hortagaan inuu shaqada joojiyo.
kooxdan Saynis yahanka ah ayaa sheegay in beerkani noqon doono mid dadka lagu badbaadiyo,gaar ahaana dadka la nool Joonis Caska dadka dila, iyaga oo intaasi ku daray in ay tijaabada ka diyaarinayaan inay u geliyaan beerkaasi oday qaba jooniskaasi nooca Hepatitis B-ga  loo yaqaano.
beerkan ayaa noqonaaya kii ugu horeeyey ee la sameeyo,iyada oo ay hore u jirtay mar la sameeyey beer noocan oo kale ah,kuwaas oo lagu tijaabiyey dad xanuunsanaayey,iyada oo aanay dadkaasi qaarkoodna aanay badbaadin oo ay dhinteen.

Leave a Reply