Kursi Xukumaya Dareenka Iyo Fikirka Qofka Oo La Ikhtiraacay

0
345

khubaro u dhalatay wadanka Ruushka ayaa soo saaray kursi noociisu caalamka u cusub yahay oo xukumaaya dareenka iyo fikirka dadka,kaas oo lagu fadhiisanaayo.
khubaradan ayaa ka socotay jaamacadda Nayef University ee wadankaasi Ruushka,waxaanay sheegeen khubarada kursigan soo saaray in ay ugu talo galeen kursigan dadka curyaamada ah,gaar ahaana kuwa xanuunka faaligu ku dhaco.
kursigan ayaa lagu xidhay qalab,kaas oo si toosa ula qabsanaaya ulana shaqaynaaya dareenada dadka ama qofkaasi,gaar ahaana kuwa ka imanaaya maskaxda qofkaasi,waxaana loo xidhayaa qalab lagu rakibay kursigaasi oo iyagu fududaynaaya turjumaada dareenka qofkaasi,waxaanu qofka ku fadhiyaa isticmaalayaa tilmaamo kala duwan.
ninka farsamada samaynta kursigan lahaa ayaa sheegay in uu kursigani yahay mid wax weyn u taraaya dadka curyaamada ah,gaar ahaana kuwa faaligu ku dhaco,kuwaas oo aan awoodin inay hadlaan ama is dhaq dhaqaajiyaan.
kursigan ayaa lagu qaadi karaa gawaadhida,diyaaradaha iyo sidoo kalena waxyaalaha badda mara,marka loo baahdo.

Leave a Reply