Madaxweyne Zuuma oo Bixinaya Lacag Muran Dhalisay

0
420

Madaxweyne Jacob Zuma ayaa waxa uu sheegay in uu doonayo in uu dib u bixiyo lacagta uu muranka badan ka dhashay ee uu ku casriyeeyay ammaanka guriga uu gaarka u leeyahay ee ku yaal tuulada Nkandla ee baadiyaha gobolka KwaZulu Natal.
Waxa uu ku sheegay bayaan uu soo saaray xilli dambe oo maalintii salaasada aheyd in uu qorshahan u diray diiwan hayaha Maxkamadda Dastuuriga.
Baadhitaan musuq maasuq oo ay horkacaysay dacwad ooge Thuli Madonsela ayaa 2014-kii lagu sheegay in madaxweynuhu uu si xad dhaaf ah uga faa’iidaystay lacagta qaranka.
Waxa ay ku eedaysay Mr Zuma inuu ku kacay hab dhaqan aan wanaagsaneyn.
Warbixinteeda ayaa waxaa lagu ogaaday in barkad lagu dabaasho, goob digaaga lagu hayo, xero lo’aad iyo masrax ay ka mid ahaayeen goobaha qurxinta lagu sameeyay.
Waxa ay ku talisay in uu madaxweynuhu dib u bixiyo qeyb ka mid ah lacagaha loo isticmaalay waxyaabaha aanan ammaanka la xidhiidhin.
Wadarta guud ee kharashka lagu casriyeeyay ammaanka ayaa lagu qiyaasay in ay gaadhayso 10 milyan oo doolar.

Leave a Reply