Saboolnimada dunida waa cadaalad 50%

0
615

Dalalka saboolka ah ee Afrika iyo Asiya ayay dadkoodu u hayaamaan dhinca Yurub, iyagoo nolol u raadsanaya. Dalalkaasi ayaa khayraadka dunida badankeed haysta. Tusaale ahaan dalka Maraykan oo dadka ku nool ay ka yihiin dunida 6%, ayaa khayraadka dunida haysta 50%, iyagoo 94 kale ay isugu soo hadheen 50%.
Arintaasi ayaa u eeg ayay leeyihiin inay dadkani daba socdaan khayraadkooda Maraykan yaalla. Khabiir Maraykan ayaa isna sheegay in Maraykanku ay tahay inuu ilaashado 50% , uu haysto taasi oo dunida badankeedu soo eegayso.
Aqoonyahanka xisaabta ee Safa Motesharrei oo Maraykan ah ayaa ku soo bandhigay xarunta Science Foundation-supported National Socio-Environmental Synthesis Center ee Maraykanka in xadaaradda Maraykanka ay galaafan doonto cadaalad daradaasi. Kaasi oo sheegay in taariikhda burburka umaduhu uu yahay mid soo noqnoqda marka uu gaadho halkiisa ugu saraysa isla markaana aan la joojin Karin.
Aqoonyahankan aya sheegay in xadaaraduhu dhamantood ay curtaan, Koran ka dibna burburaan. Culimo badan aya sheegay in xadaaradda Maraykanku burburayso waayo waxay si cadaalad darro ah u qaadatay khayraadka dunida kala badh , sidaasi ayay ahaayeen kuwii burburay oo dhami.
Daraasadd ayaa qiimaysay xadaaradii burburay sida Tii Shaam iyo Ciraaq, Japan, Hindiya  kuwaasi oo burburay. Dhamantood waxay dhaceen khayraadkii oo loo qaybsan waayay si cadaalad ah.

Leave a Reply