Abaar ba’an oo saamaysay Zimbabwe

0
426

Madaxweynaha Zimbabwe, Robert Mugabe, ayaa ku dhawaaqay in musiibo qaran ay ka taagan tahay qeybo badan oo dalkiisa ah, ka dib markii ay saamaysay abaar ba’an.
Dalkaasi ayaa waxaa ku yaraa roobka tan iyo bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay, waxaana la sheegayaa in afar meelood meel ka mid ah dadka Zimbabwe ay hadda u baahan yihiin cunno gargaar ah.
Khubarada xoolaha ayaa sheegaya in kumannaan lo’ ah ay caws yari awgeed ugu dhinteen abaarta.
Midowga Yurub ayaa maalin ka hor ugu baaqay madaxweyne Mugabe inuu ku dhawaaqo xaalad musiibo ah, si dalalka caalamka ay ugu gurmadaan isla markaana cunno deeq ah loo gaarsiiyo Zimbabwe.
 
 
 

Leave a Reply