Ciyaartoyga Messi Oo La Kulmaya Wiil Da'yar Oo Reer Afgaanistaan Ah Aadna U Taageera

0
311

ciyaartoyga reer Argentine ee Messi ayaa la filayaa inuu la kulmo wiil yar oo lagu magcaabo Murtaza Ahmadi,kaas oo da’diisu tahay shan sanno jir,waxaanu wiilkani yahay taageere aad u weyn oo ciyaartoygan taageera.
wiilkan yar ayaa indhaha caalamka soo jiitay kadib markii uu bac liid liid buluug ah leh oo u eg funaanada ay ku ciyaaraan xulka Qaranka Argentine soo xidhay,kadibna kusoo qoray magaca Messi,kadib markii uu waayey garanka wadanka Argentine.
wiilkan ayaa waqtigan helay garan uu lee yahay ciyaartoygaasi,kaas oo ah ka ay ku ciyaaraan naadiga Barcelona,waxaana bacdaasi gacantiisa ku sameeyey wiil ka weyn wiilkaasi yar oo ay walaalo yihiin,kaas oo bacdaasi ugu qoray magaca iyo lambarka ciyaartoygaasi,waxaana isla markiiba ka jawaabay ciyaartoyga Messi kadib markii uu baraha xidhiidhka ee caalamka iyo warbaahintaba qabsaday.
xidhiidhka kubada cagta wadankaasi Afgaanistan ayaa xidhiidh ay la sameeyeen ciyaartoyga Messi waxa uu u sheegay in uu wiilkaasi yar kula kulmi doono Camp Nou.
wiilkan yar oo la waraystay ayaa sheegay inuu kubada jecel yahay ,uuna doonaayo inuu sida Messi oo kale noqdo mustaqbalka.
isla xidhiidhka kubada cagta ee Afganistan ayaa guddoonsiiyey funaanada uu magaca ciyaartoygaasi ku xardhan yahay wiilkaasi yar,iyada oo hadda la qaban qaabinaayo sidii ay u kulmi lahaayeen wiilkaasi yar iyo ciyaartoyga Messi.
 

Leave a Reply