Haweenay Dawarsan Jirtay Oo Ka Dhimatay Lacago Dahab Iyo Hanti Aad U Badan

0
308

haweenay u dhalatay wadanka Tunisiya oo dawarsan jirtay ayaa markii ay dhimatay kamid noqotay dadka ugu tijaarsan wadankaasi Tunisia,waxaanay ahayd mid ilaa yaraanteedii dewersan jirtay.
lacagta ay ka urursatay dewersigaasi ayaa la sheegay inay noqotay mid khaanadaha faqriga jebisay,waxaanay gaadhay kumanaan kun inta la qiyaasay ,siday sheegeen reer la deganaa guriga ay deganayd.
lacagta ay ka dhimatay gabadhani ayaa la sheegay inay gaadhayso ilaa 75,000 oo lacagta Maraykanka ah,waxaana lacagtaasi laga dhex helay gurigii ay ku noolayd ,iyada oo uu hore ula noolaa odaygeedii oo isna geeryooday dhowaan.
wax caruur ah may dhalin islaantani,waxaana gurigeeda laga soo saaray dahab,lacag iyo faylal cadayn u ah hanti aad u badan oo ay lahayd,taas oo aan hore loo ogayn,waxaanay tani fajaciso ku noqotay dadkii mudada dheer yaqaaney gabadhan.
gabadhan ayaa geerideeda la ogaaday kadib markii laga waayey meelihii ay ka dawarsan jirtay,iyada oo ehelkeedii loo yeedhay,waxaanay ku taliyeen dadkii ehelka u ahaa in hantidan qaybna la dhaxlo halka inta kalena lagu dayactiraayo dugsiyo.

Leave a Reply