Khiyaamada Bulshada Ayaa Sababta Abaaraha

0
343

Markii ay ku habsatay abaartu degaankood, ayuu boqorku go’aamiyay si khatarta loo yareeyo in dadka magaalada uu qof kastaa ku shubo koob caano ah taangiga uu dhigay magaalada dhexdeeda si ay u quutaan dadka masaakiinta ahi.
Waxaana loo sheegay dadka in aan la ogolayn maalintii in lagu shubo laakiin habeenkii uu qof kastaa ku shubo koobkiisa caanaha ah ee uu ka liso xoolihiiisa.
Dadka ayaa aad u soo dhoweeyay fikradda boqorka oo muujiyay inay ku faraxsan yihiin koobkaasi caanaha ah in ay ku shubaan weelka boqorku ugu talo galay.
Subixii markii waagu beryay ayuu boqorku yimi si caanaha looga qaado oo loogu qaybiyo masaakiinta baahan. Waxase yaab noqotay markuu arkay taangiga oo gebigiisaba ay ka buuxaan biyo halkii ay caano ka noqon lahaayeen.
Boqorka ayaa dadkii weydiiyay waar caanihii meeye?  Qof kasta oo magaalada degani wuxu lu fikiray sida uu kan kale uu fikiray ee ah in dadka kale ay caano keeni doonaan, markaaasi ayay isku wada mid noqdeen. Boqorki ayaa hadalkiisa ku soo xidhay “ Haddaba abaarta ina haysataa waa mid shacbigu keenay, qof kastaana wuxu doonayaa khiyaamo u qarsoon”.

Leave a Reply