Qofka Wanaagsan ayay shaqadiisu wanaagsan tahay

0
334

Markii uu wiilka yari galay xarun laga suuqaysto, telefoonka ayuu qaatay, ka dibna wuxu la hadlay gabadh isagoo ka codsaday inay siiso shaqada ah inay gurigeeda dhirta ka hagaajiyo. Laakiin gabadha ayaa ugu jawaabatay maya, waxa ii sheqeeya nin ka adag shaqada oo aan raali ka ahay. Wiilka yar ayaa ku celiyay anigu waxaan kuugu shaqaynayaa kala badha lacagta uu kuugu sheqeeyo, weliba waxaan raacinayaa inaan nadiifiyo goobaha lugta lagu maro. Beertaadana waxay noqon doontaa tan ugu quruxda badan Californiya. Laakiin gabadha ayaa mar kale ugu jawaabatay “ Beertayda tan ugu wanaagsan waxa ka dhigi kara shaqaale aanu raali kala nahay”. Wiilka yar ayaa dhoola cadeeyay oo dhigay telafoonka.. Nin dhegaysanaya wiilka hamigiisa ayaa ku yidhi “ Aniga ayaa shaqo kaa siinaya dukaankayga”. Wiilka yar ayaa ugu jawaabaya “ Maya, mahadsanid, waxaan doonayaa shaqo aan aqaano inaan qabto, isla markaana aan u qabto qof wanaagsan oo aan aqaan”. Haa waa sidaasi haddii shaqada aad wanaajiso , waxaad noqonaysaa qof qaaliya.
 

Leave a Reply