Ruushka oo Caqabad ku ah Suuriya

0
428

Madaxa gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in weerarada cirka ee Russiya ay ka waddo Siiriya ay qaribayaan dadaallada xal aan milatari ahayn loogu helayo dagaalka dalkaas.
Stoltenberg ayaa hadalkan sheegay jimcahii isaga oo magaalada Amsterdam u yimid kulanka wasiirada difaaca ee Midowga Yurub.
Waxa uu sheegay in duqeymaha xooggan ee Russiya ay badankood beegsanayaan kooxaha mucaaradka, ayna sababayaan xiisad sii kordheysay, ayada oo taas ay dheertahay inay xadgudub ku yihiin hawada NATO iyo tan Turkiga.
Dhinaca kalena, ciidamada dowladda Siiriya oo ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka Ruushka, ayaa qabsaday magaalo ay haysteen mucaaradka oo u dhow magaalada Deraa, sida uu ku warramay taleefishinka Xizbullah ee Al Manar.

Leave a Reply