Nin u dhashay dalka Talyaaniga ayay irbadi kaga dhacday buuro doog ah oo uu u diyaariyay xoolaha. Waxaana ay ku qaadatay inuu baadho laba maalmood irbadaasi. Dad badan ayaa aad ula yaabay iyago si fudud ugu sheegay inay ka dhib yar tahay in irbad kale uu iibsan karo. Laakiin ninkan ayaa ugu jawaabay “ Waa run, laakiin waxaan dunida tusayaa in aanay jirin wax la yidhi Mustaxiil ama lama samayn karo, waxa kastana la qaban karo”. Waxaana uu soo saaray irbadii maalintii labaad casarkeedii. Waxaana uu yidhi “ hadda waxaan dareemayaa farxad waayo waxaan gaadhay ujeedaydii, waxaana dadka tusay in wax kasta la qaban karo”.