Fayruska Xika Ee Ka Dilaacay Wadamada Laatiin Ameerika

0
301

Waxaa baryahaan la hadal hayaa fayrus lagu magacaabo Zika oo ka dilaacay wadamada laatiin ameerika, fayruskaan waxaa faafiya kaneeco, dadka ay qaadsiiso inta badan malahan wax astaan ama calaamad lagu garto iney xambaarsan yihiin fayruskaan, in kastoo dadka qaar ay ka sheegan karaan qandho khafiif ah, finan iyo muruqo xanuun, calaamadaha kale ee dhifka ah ee lagu arko dadka xambaarsan fayruska Zika waxaa ka mid ah, madax xanuun, daaf iyo dareen guud oo raaxa la’aan ah. Fayruska Zika ma keeno wax xaalado xanuun gooni ah oo saameyn karo dadka xambaarsan.
Fayruska Zika wuxuu sababi karaa iney ay ilmaha ku dhashaan madax yari oo ah cilad dilaa ah oo lagu dhasho, (maskaxda iyo madaxa uurjiifka in uusan si fiican u korin taas oo sababi karta in caqliga iyo wax garashada ilmaha ay si daran uliidato), hadii ay hooyada qaaday fayruska zika xiliga ay lahayd uurka, sidoo kale fayruskaan wuxuu sababi karaa xanuuna kale oo lasoo  dersa
dareemayaasha.
Ilaa iyo hada majiro wax talaal ah oo looga hortagi karo, iyo dawo wax ka tari karta, waxaa jira un kaalmaati loogu tala galay in lagu daweeyo astaamaha oo kaliya.
Halkee laga helay Fayruskan Markii ugu Horaysay
Markii ugu horeysay fayruska Zika waxaa lagu arkay qaarada Afrika gaar ahaan Yugandha sanadki markuu ahaa 1947. Laakin wuxuu dhawaan ka dilaacay wadamada laatiin ameerika, wuxuu si weyn uga dilaacay dalka baraasiil, waxaa la helay in ka badan 650 keys laga soo bilaabo 2015 bishi Mey.
Kaneecada faafiso fayruska Zika waxaa lagu magacaabaa Aedes, waana mid laga helo dunida oo dhan marka laga reebo dalalka Kanada iyo Jili. Waxaa la saadaa linayaa in fayruskaan laga heli doono wadama badan oo hor leh. Fayruska Zika la isuguma gudbiyo qof iyo qof kale.
 

Leave a Reply