Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha Oo Maanta Ka Bilaabmaysa 138 Goobood Oo Ku Yaalla Gobolka Awdal

0
643

Boorama (Dawan): Diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee muwaadiniinta reer Somaliland ayaa Sabtida maanta  si rasmi ah uga bilaabmi doonto gobolka Awdal iyo degaamadda hoos yimada, sida ay shaaciyeen gudida doorashooyinka heer qaranka ee Somaliland.
Waxaanay shalay Komishanka doorashooyinku magaaladda Boorama ka ambabixiyeen shaqaalaha iyo hawl-wadeenna ka kala socda xisbiyadda  iyo wasaaradda arrimaha ee  ka shaqaynaya diiwaangelinta codbixiyeyaasha, oo ay u kala direen goobaha ay ka hawl-gelayaan.
 
Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa  28 maalmood ka socon doonta  gobolka Awdal, iyadoo la qorsheeyay inay ka dhacdo 138 goobood, sida ay sheegeen xubno ka tirsan Komishanka doorashooyinka  oo shalay warbaahinta kula hadlay goobtii ay ka kala dirayeen hawl-wadeenadda ka shaqaynaya.  Iyadoo  ay ka shaqaynayaan in ka badan  1500  oo  qof oo shaqaale ah.
 
 
Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka doorashooyinka C/qaadir Iimaan Warsame, oo faahfaahin ka bixiyay halka ay wax u marayaan ayaa sheegay inay si buuxda ugu wada direen qalabkii, shaqaalihii, wakiiladda xisbiyadda iyo dhamaanba wixii loo baahnaa, isla markaana ay lixda subaxnimo ee saaka si rasmi ah uga bilaabmi doonto  gobolka Awdal.
 
C/qaadir Iimaan Warsame, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu maanta (shalay)  ku faraxsanahay  in ugu danbayn gaadiidkii, qalabkii iyo shaqaalihii raacayay ay halkan ku dhan yihiin,  oo koox  walba uu gabalku ugu dhici  doono meeshii uu ka shaqaynayay.  138-ka goobood ee loogu tallo-galay inay diiwaangelintu ka qabsoonto ayaa mid walba qalabkii, gaadiidkii ciidankii, ay joogi doonaan galabta, haddii ALLE  yidhaahdo.
 
Caawa (xalay)  ayaanay u hoyan doonaan, oo ay diyaarsan doonaan qalabkooda  iyo  sida uu u shaqaynayo, beri subax (maanta)  insha ALLAAH,  marka ay tahay lixda subaxnimo  ayay 138 goobood ee uu ka kooban yahay gobolka Awdal ay ka bilaabmi doontaa diiwaangelinta codbixiyeyaashu, taasi oo socon doonta 28-ka maalmood ee aanu ugu tallogalnay.  Waa arrin qaran, oo aanu u baxayno, in diiwaangelintaasi ay noqoto mid loo aayo”.
 
 
Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka, ayaa  u mahad naqay  shirkadda Telesom, shirkadda qaadatay qandaraaska gaadiidka ka shaqaynaya diiwaangelinta  “Waxaanu u mahad naqaynaa shirka Telesom oo aad nooga caawisay xagga is-gaadhsiinta, oo iyadna ay u dhan yihiin qalabkoodii, oo aanu tijaabinay, oo server-ka ku wada xidhan. Waxa kale oo aanu u mahad naqaynaa shirkadda qaadatay qandaraaska gaadiidka oo si wanaagsan u habaysay, iyagna waanu uga mahadnaqaynaa shaqadaa culus ee ay qabteen. Waxa kale oo aanu u mahad naqaynaa gudidda farsamo ee xisbiyadda, oo habeen iyo maalinba na garabtaagan”ayuu yidhi guddoomiyaha gudidda doorashooyinka.
 
 
 
 
Afhayeenka gudidda doorashooyinka Siciid Cali Muuse, oo is halkaasi ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay sida ay hawshu u socoto.  Waxaanu  yidhi “Sidaa aad aragtaan waa taa baabuurtii la rarayo, shaqaalihiina way raacayaan. Baabuur walba lanbarkiisa iyo cidii raacaysay ayaa u diyaar ah, waxaana u diyaar ah qalabkii diiwaangelinta codbixieyaasha lagu samaynayay inay qaadaan, iyadoo meelaha qaar ay qaadanayaan kuraas, waxaa raacaya ardaydii goobaha ka shaqaynaysay, waxa kale oo raacaya ciidamadii amaanka, wakiiladii xisbiyada iyo dadka loo yaqaano dadka liiska qofka meesha gelaya qoraya, intaas oo  oo dhan, oo wada socota ayaa raacaya, oo maanta (shalay)  baxaysa.
Wakiiladda wasaaradda arrimaha guduhu iyaguna  waxay joogaan goobaha intooda badan, sidaas ayay hawshu u socotaa. Waxaa kale oo iyagna halkan ka baxay wakiiladii  saddexda xisbi  qaran, oo ay wakiiladoodii joogaan, oo iyaguna indhaooda ku arkaya waxa meesha ka dhacaya iyo sida hawshu u socoto. Iyagoo markii horeba sii diyaarsaday wakiiladooda.”
 
Siciid Cali Muuse, waxa uu sheegay in hawshii ay si fiican ugu socoto, isla markaana ay rejaynayaan in ay si fiican ku soo dhamaato.  “Hawshu si fiican oo guul ah ayay noogu socotaa, hawl culus ayay ahayd, muddo badan ayaanu soo diyaarinaynay, markaa maanta waxaanu aragnaa  in hawshii bilawgeedii ay tahay. Waxaananu filaynaa in berito  9maanta) oo Sabti ah in diiwaangelinta codbixiyeyaashu ay si rasmi ah uga bilaabanto, lixda subaxnimo gobolka Awdal oo dhan”ayuu yidhi Siciid Cali Muuse.
Gobolka Awdal ayaa noqonayaa gobolkii labaad oo ay ka dhacdo diiwaangelinta codbixiyeyaashu, iyadoo hore looga soo qabtay gobolka Togdheer.
Dhinaca kale munaasibad lagaga dhawaaqayay oo loo sameeyay shaacinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee maanta ka bilaabanaysa gobolka Awdal  Khamiistii dorood lagu qabtay magaaladda Boorama. Waxaana ka qaybgalay xafladaasi madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixe Cabdi, guddoomiyaha xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro iyo guddoomiye ku igeenka saddexaad ee xisbiga UCID Cali Maxamuud Yuusuf (Cali-gurey),  Komishanka doorashooyinka iyo masuuliyiin kale.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply