Gabadh Jeclaatay Nin Ay Jeel Ku Ilaalinaysay Lana Baxsatay Oo La La'yahay

0
282

Gabadh ilaalo ka ahayd jeel ku yaala wadanka Switzerland ayaa jacayl u qaaday nin isla jeelkaasi ku xidhnaa oo lagu magcaabo Xasan Kiiko ayaa u dhashay wadanka Suuriya.
gabadhan ayaa marar badan isku dayday inay sii dayso ninkan oo ay jacayl u qaaday ninnkaasi,taas ayaana noqon wayday mid suurto gasha,waxaanay markii dambe go’aansatay inay sii dayso ninkaasi oo xabsiga ka fasaxdo,iyada oo iyaduna raacday.
jeelkan oo ku yaala caasimada wadanka Switzerland laguna magcaabo Limmattal Prison ayuu maxbuuskani ku jiray muddo afar sanno ah ,waxaanay mudadaasi is yaqaaneen gabadhan askariyadda ahayd oo iyadana lagu magcaabo Angela Magdici.
ninkan Xasan Kiiko ayaa loo haystaa dambi kufsi ah ,kaas oo uu kula kacay gabadh u dhalatay wadankaasi Switzerland,waxaana lasoo taagay maxkamad wadankaasi ku taala oo ku xukuntay muddadaasi afarta sanno ah.
ninkan iyo gabadhan jeelka isku jeclaaday ayaan ilaa hadda la hayn meel ay ku dambeeyeen ,waxaana baadi goobaaya ciidamada wadankaasi ee amaanka,iyada oo qisadani noqotay mid aad usoo jiidatay warbaahinta caalamka.

Leave a Reply