Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Dib U Habayn Lagu Sameeyey Jidka Badhtamaha Boorame

0
299

Boorame (Dawan): Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi  Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay xadhiga ka jaray  wadadda hal-bawlaha ah ee dhex marta magaaladda Boorame, taasi oo ay  dawladda hoose ee Boorame dib u dhis balaadhan ku sameeyeen.Waxaana  munaasibadaasi xadhig ka jarista madaxweyne ku xigeenka ku wehelinayay  wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha,  wasiirka xidhiidhka goleyaasha, maayarka magaaladda Boorama iyo xubno ka tirsan xildhibaanadda golaha degaanka Boorama.
C/raxmaan C/laahi  Ismaaciil (Saylici),  oo hadal ka jeediyay munaasibadii xadhig ka jarista ee wadadaasi ayaa ku bogaadiyay golaha degaanka Boorama  dhismaha  wadadaasi, isagoo xusay in  tallaabadaasi ay ka mid tahay waajibaadka loo doortay golaha degaanka.
 
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale tilmaamay  in cid kasta oo  masuuliyad haysa looga baahan yahay in ay ka soo baxdo waajibaadkeedda. Waxaanu dhinaca ugu baaqay bulshadda ku dhaqan  magaaladda Boorama in ay si fiican isaga bixiyaan cashuuraha ku waajibay.
 
 
 
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu ugu mahad naqaynaa golaha degaanka Boorama wadaddani ay dhiseen, waxaanan u rejaynaynaa in ay  noqoto  wadadii ugu tayadda badnayd, uguna  wanaagsanayd  oo ay  ku guulaysteen. Aad  iyo aad  ayaanan ugu  hambalyaynayaa golaha degaanka Boorama, waana  xilkii  loo doortay, waana ta looga baahan yahay cid kasta oo innaga mid ah, masuuliyiinta qaranka min  madaxweyne ilaa ka u hooseeya, waa in uu nin waliba xilkiisa iska saaraa masuuliyad.
 
Waxaana loo baahan yahay in qof waliba uu masuuliyad  gaar ah isa-saaro, in bulshadda loo sinaado,  in wixii khayraad ah ee dalka yimaadda si cadaalad ah loogu qaybiyo magaalooyinka. Reer Boorama waxaan leeyahay dadka magaalooyinka ku nool waa in ay si wanaagsan isaga bixiyaan cashuuraha”.
 
 
Maayarka magaaladda Boorama  Maxamed Xuseen Maydhane, oo isna  halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay  dayac-tirka iyo dib-u-habaynta ay ku sameeyeen wadadaasi. Waxaanu yidhi “Mudane madaxweyne ku xigeen waa wax qabadkii golaha degaanka Boorama,  gaar ahaan lixdii bilood ee aan joogay, wax-qabadkaasi muuqda ayaanu samaynay,  waa wadooyinkii casriga ahaa, waxaananu ku dhisaynaa lix bilood gudahood.”
 
 
 
 
Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda xanaanadda xoolaha  Cumar Sheekh Maxamed Faarax,   waxaaunu  yidhi “Aad iyo aad ayaanu ugu mahad naqaynaa golaha degaanka Boorama, waxaananu rejaynaynaa, wax-qabadka dadku waxay u baahan yihiin  in wax loo qabto.  Nolosha  dadku waxay ku xidhan tahay haddii ay tahay  caafimaadka, biyaha,  wadooyinka iyo  korontadaba   waa waxyaabaha  ay nolosha bani’aadamku ku dhisan tahay.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply