Cuqaal Soo Bandhigay Caddeymo Muujinaya In Cali Khaliif Uu Ka Dambeeyay Dad Rayid Ah Oo Lagu Laayay Buuhoodle

0
312

Hargeysa(Dawan)-Cuqaasha iyo Odayaasha Gobolka Buuhoodle oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Buuhoodle ayaa cambaareeyey falkii waxashnimada ahaa ee ay maleeshiyada Cali Khaliif maalintii jimcihii toddobaadkii hore  ku laayeen  dad reer Guuraa ah oo ku sugnaa Deegaanka Carro-weyn ee dulleedka Buuhoodle.
 
Cuqaasha iyo waxgaradka Buuhoodle oo tacsi u diray eheladii dadkii falkaa waxyeeladu ka soo gaadhay ayaa sidoo kale dhibaatadii halkaa ka dhacday dusha ka saaray Dagaal oogaha nabad diidka ee Cali khaliif oo hore  uga tirsanaan jiray Baarlamaanka dalka aynu jaarka anahay ee Soomaaliya, muddooyinkii u dambeeyeyna hawlo xasilooni darro ka hurinayey meelo ka mid ah jiida Buuhoodle
Chief Caaqil Maxamed Xaaji Axmed Aadan Xaad  oo shirkaas jaraa’id  ka hadlay ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii dadkii falkaa wax ku noqday, halka sidoo kalena uu cambaareeyey falkaa oo uu ku sheegay mid uu ka dambeeyey Cali khaliif galaydh waxaanu yidhi   “Sida aad la socotaan waxa Tuulada Carro-weyn ka dhacay fal aad u xun oo aan lagu tallo-gelin oo dadka deegaanku nadiif ka yihiin, sida la ogyahay dhibka halkaa ka dhacay waxaa mas’uuliyadeeda qaadaya oo annaguna ku ognahay Cali khaliif Galaydh.”
Caaqil Cali Dahable  ayaa faahfaahin iyo caddaymo ku soo bandhigay shirkaas,  kuwaasoo muujinaya sida uu dagaal ooge Cali khaliif u soo qorsheeyey weerarkaa maato-dooxa ah. “deegaanka Carro-weyn waxaa ka dhacay weerar duhur cad lagu qaaday dad aan waxba galabsan, waxana uu ahaa weerar qorshaysan oo raagay oo xilli hore la damacsanaa, weerarkaasi waxa uu dabo joogay oo lagu duminayey oo loola dan lahaa heshiiskii beeluhu ku gaadheen tuulada Coodanle dhowr bilood ka hor, sidoo kale weerarkaasi waxa uu u dan lahaa odayaashii reer Buuhoodle ee maalintii dhoweyd nabadda ku baaqay, waxana la fuliyey annaga oo dadka isu soo guuray ee is dhex degan wada jirkooda ka shaqaynayna,”ayuu yidhi Caaqil Cali Dahable.
 
Caaqilka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaanu cambaaraynaynaa dadkii ka dambeeyey weerarkaasi oo uu soo abaabulay Cali Khaliif Galaydh, waana weerar loola dan lahaa madax dhaqameedka, waxgaradka, nin garboodka iyo cid kasta oo nabadda ka shaqaynaysa, waxana aan mar labaad caddaynayaa in Cali khaliif weerarkaa soo abaabulay oo fuliyey, waxaana caddaymo u ah hadalkiisii uu warbaahinta ka sheegay ee uu ku baaqayey inuu colaad maato doox ah ridayo.”
Caaqil Ismaaciil Cabdilaahi Xaaji Cumar Camey ayaa isna dhankiisa cambaareeyey falkaasi kuna baaqay in dhinac looga soo wada jeesto dadka caadaystay waxyeelaynta amniga iyo xasiloonida deegaanka, colaadana kala dhex dhigaya dadka isku oodda ah.’
Caaqil Saleebaan Faarax  oo halkaa ka hadlay  ayaa ugu baaqay Dagaal ooge Cali Khaliif inuu Buuhoodle dhibta ka daayo. “Cali Khaliif Buuhoodle ma laha waa nin reer Sool ah, tolkii waxa uu joogaa Laascaanood iyo Kala-baydh, haddii aanu dhibka dadka ka daynayn ha la qabto Gobolkiisa, Ilaahay hadduu nabad ka doonayana yaanu Buuhoodle nagaga soo noqon, halkan  annagaa leh dhib kama ogolin, waxyeelada deriska ma aqbalayno,”ayuu ku dooday Caaqil Saleebaan Faarax.
Waxa kale oo ka hadlay Cuqaal iyo waxgarad ay ka mid yihiin Caaqil Maxamed Ismaaciil Gurux iyo Ganacsade Cabdicasiis Garaad Soofe kuwaas oo dhammaantood  cambaareeyey Falkaasi dadka lagu laayey iyo Dagaal ooge Cali khaliif oo ay ku caddeeyeen inuu ka dambeeyey.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply