Marwadda Koowaad Oo Xadhiga Ka Jartay Mashaariic D/Hoose Ka Fulisay Gabiley

0
323

Gebilay (Dawan):-Marwada koowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris) iyo wefti ay hoggaaminaysay ayaa shalay xadhiga ka jartay sideed mashruuc oo ay Golaha deegaanka Gabiley hirgeliyeen, kuwaasi oo iskugu jira horumarinta goobaha adeegyadda bulshadda.
Marwadda koowaad waxa ku wehelinayay socdaalka ay Gabiley, wasiirka wasaarada Maaliyada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Afhayeenka Madaxtooyadda, waxaana gobolka Gabiley loogu soo dhaweeyay si weyn oo aan loo kala hadhi,waxaana soo dhaweynteeda horkacayay    Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Gabiley.
Maayarka Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi oo xafladii loo sameeyay furitaanka mashaariicdaas ka hadlay ayaa ka warramay noocyadda mashaariicda xadhiga jaray ahaayeen.  “Waxaynu iskugu nimid inaanu  xadhiga ka jarno Mashariicada aanu degmada ka hirgelinay Sanadkii dhammaaday 2015, inta aanu gaadhi karanay oo ah Sideed Mashruuc iyo gaadhi aanu ciidamada ilaalada waddooyinka ugu tallo galnay.  sidoo kale Marwo waxa aynan Fursad u helin guri aanu  dhisnay ururka NOW ee degamada Agabar, Dugsi aanu ka dhisnay degaanka Lamo looshka ,degaanka Laaca oo aanu ka hirgelianay ceel biyood weyn,”ayuu yidhi Maarka Gabiley.
Maayarku waxa kale oo uu Madaxweynaha ku bogaadiyay kaalintii uu ka geystay gurmadka dadka ku tabaaloobay abaaraha ka jira gobolka Gabiley, waxaanu yidhi  “Waxaan jeclahay in halkan uga mahad-celiyo Madaxwayne Axmed Siilaanyo kaalintii  uu ka qaatay xaalada abareed ee gobolka isaga oo shaqo ku joogay Magaaladda Burco waxa uu soo diray Wasiirka Maaliyada si deg-dega uga jawaabto qaylo dhaanta Abaareed aanu dirnay.”
 
Badhisaabka Gobalka Gebilay Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa isna halka ka hadlay waxa aanu yidhi “Mashaariic ayuu furay Maayirku waanan la qabaa in Xukumaddu tahay  Xukuamadii horumarka haddii aanu Madaxwaynuhu ahayn Madaxwayne wax-qabad ma jirayo Maayr wax qabanayaa taasi waxa ay ku timid dedaalka Madaxwaynaha iyo  in qof kasta hiigsado wax-qabadka Madaxwaynaha.”
Badhasaabku waxa uu ka hadlay hadallo beer-laxowsi ah oo Guddoomiye Cirro iyo xisbigiisu ku sheegeen inay Golaha Wakiiladda ka ansixin doonaan gobolnimadda Gabiley, waxaanu yidhi  “Waxaan doonayaa inaan eray yar ka idhaahdo Cirro waxa uu ku faanay oo yidhi , markay xukuumaddu keento ayaanu ansixinaynaa gobolnimada Gabiley, waxaanu leenahay Cabdiraxmaan xeerkii Caasimadda oo   ku hor yaalay muddo dhawr sanno ah sannad walbana dib ayaad u dhigaysay haddii ay kaa dhab tahay oo reer Gailey wax u aad  hayso Xeerka Caasimadda ee Madaxwaynaha iyo golaha Wasiirradu soo gudbiyeen ayaad ansixin lahayd marka fardo laysku hayo waxba layskama faanee Xeerka ayaa ku hor yaala haddii aad gobalka dan ka leedahay.”
Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina  Sh. Maxamed  Jirde  (Aamina Waris)   oo ka hadashay ayaa sheegtay in maamulka gobolka iyo ka Golaha deegaanka ee wada dhalinyarrada ahi ay Gabiley u horseeday horumar.“Mashariicda la fuliyey ee dawladda hoose samaysay  aad ayaan ugu farax-sanahay Gebilay waxa aad moodaa  madaxda gobolka iyo kuwa degmadda oo dhammaantood wada dhalinyarro ah iyo shacbigii oo la shaqeeyay inay guul ku gaadheen, waan idiin ducaynayaa, waanan idinku hambalyeynayaa waxqabadkiina. Waxaan rejaynayaa inaad halkaas ka sii wadaan.Gabiley waa xaruntii Kulmiye intii hadhow la odhan lahaa Marwadiina Olole ayey qaaday tani olale mahee waa booqasho,”ayay tidhi Marwadda koowaad ee Somaliland Aamina Weris Sh. Maxamed Jirde.
Waxa kale oo iyaguna xafladaasi ka hadlay Afhayeenka madaxtooyadda Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr) iyo Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxaanay ka warrameen dedaalka xukuumaddu ka wado dalka iyo sida loogu baahan yahay in la iska kaashado horumarinta.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply