Midowga Yurub: Waa inuu Meelmaraa Heshiiska Suuriya

0
316

Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda u qaabilsan Midowga Yurub, Federica Mogherini, ayaa sheegtay in beesha caalamka ay mareyso xilligii ay fahmi lahayd xaqiiqada ka jirta dalka Suuriya.
 
Madaxda caalamka ayaa maalintii ugu dambeysay ka qeyb galaya shirka looga hadlayo ammaanka ee ka socda magaalada Munich, Jarmalka.
Ms Mogherini ayaa BBC u sheegtay in loo baahan yahay in si dhab ah loo meelmariyo heshiiska lagu joojinayo colaadda Suuriya ee la filayo inuu bilowdo maalmaha soo socda, iyo in si degdeg ah loo bilaabo gargaar gaarsiinta shacabka dalkaasi.
Waxa ay intaa ku dartay in Midowga Yurub uu ka shaqeynayo sidii uu heshiiskaasi ku dhaqangeli lahaa iyo weliba sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadalada siyaasadda Suuriya.
Goor sii horeysayna, quwadaha galbeedka ayaa Ruushka ugu baaqay inuu dib uga fekero duqeymaha uu ka wado Suuriya, balse ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Dmitri Medvedev, ayaa sheegay in xiisadda ka dhex abuuran dalkiisa iyo galbeedka ay dunida u horseedi karto dagaal qabow oo horleh.
 
 
 

Leave a Reply