Waxay Go’doon Ka Tahay Dunida Kale!

0
330

Waxa ku nool Jasiirad Mafi  oo ka mid ah dalka Indoonsiya Qabiilada Osmats.  Qabiiladan ayaa la sheegay inay dunidu aanay war sugan ka hayn noloshooda , iyadoo sabab looga dhigay in aanay dadkani ogalayn inay cid kale u tagto oo ay wax ka ogaadaan ama soo dhexglaan.
Laakiin sawir qaade Ruush ah ayay u suurta gashay  inuu ku qanciyo koox ka mid ah qabiiladan inuu ka qaado sawiro.
Qabiiladan ayay sumcadeedu aad u xuntahay oo aad  looga baqaa in loo tago deegaanada ay ku nool yihiin. Wararka laga helo ayaa sheegaya  inay yihiin dad xayawaanka la mid ah oo aan nabadgelin cid kasta oo debedda kaga timaadda.
 
Sawir qaade Andred Godkof ayaa arinkaasi beeniyay, isagoo sheegay in wararka laga faafiyay aanay ahayn run. Waxaan uu cadeeyay inay bulshadni tahay mid wanaagsan oo jecel saaxiibtinimada.

Leave a Reply