Caadada Yaabka Leh Qabiilada Satirimawa!

0
365

Qabiiladan Satirimawa oo degan dalk Barasil  ayaa qudhaanjo aad halis u ah oo sunteeduna badan tahay u adeegsata, ninka doonaya inuu loo aqoonsado inuu fariid yahay.  Imtixaanka ninkan ayaa lagu qabtaa goob ay dadku wada daawanayaan iyadoo caruurtana laga soo qayb geliyo.
Ninkan ayaa gacantiisa muddo 10 daqiiqo ah dhex gelinaya kiish ay ka buuxaan qundhaajadaasi halista ah. Qudhaanjada ayaa lagu tilmaamay inay tahay tan ugu sunta badan uguna qaniinyada kulul dunida.
Haddii uu ninkaasi ooyo oo adkaysan waayo caruurta ayaa ku qoslaysa isla markaana waxa loo aqoonsanayaa inuu yahay nacas aan cadow iska celin Karin. Waxaana adkaanaysa inuu xataa helo gabadh uu guursado.

Leave a Reply