Cilmi baadhayaasha sayniska ayaa sheegaya, in hab cusub oo lagu daawayn karo kansarka mustaqbalka uu suurto galin karo sida talaalka oo kale inuu ka hortago soo noqoshada kansarka.
Daraasaadka oo lagu soo bandhigay kulanka Ururka Maraykanka ee Horumarinta Sayniska ee Washington ayaa sheegaya natiijooyin wayn.
Mid ka mid ah ayaa sheegaysa in daawaynta unugyo shaybaadhka lagu sameeyay oo loo yaqaan T cells, guul aan horay loo arag laga gaardhay oo ay ku daawoobeen boqolkiiba sagaashan bukaankii aadka u xanuunsanaa oo qabay kansarka dhiiga.
Laakiin dadka qaar ayaa sidii la rabay ku noqon daawaynta, saynisyahanadana waxay leeyihiin baadhitaano dheeraad ah ayaa loo baahan yahay.