Wasaaradda Khaarajiga Oo Beenisay Eedeymo Warbaahinta Kenya Ka Qortay Somaliland

0
324

Hargeysa(Dawan)-Wasaarada arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gaashaanka ku dhufatey warar been abuur ah oo ay faafisay qaar ka mid ah warbaahinta Kiiniya, kaasi oo xukuumada Somaliland ku eedaynayay in ay taageerto AL-SHABAAB.
War qoraal ah oo xalay  ka soo baxay  wasaaradda khaarajiga ayaa lagu caddeeyay   in ay xukuumadda Somaliland si adag u beeninayso eedeyntaasi beenta ah ee lagu baahiyay maqaal dhawaan ku soo baxay warbaahinta Kenya, waxayna  ay sheegtay inuu yahay warkaasi  mid si kastaba xaqiiqada uga durugsan.
Qoraalku waxa uu intaa raaciyay in   maqaalkaaasi gebi ahaanba yahay mid ka madhan xaqiiqada oo ku saleysan ku tidhi kuteen iyo been qaawan oo aan sal iyo raad toona laheyn, islamrkaana Xaqiiqdii, qorayaasha dhoodhoobay maqaalka ay  ku cadahay wararka been abuurka ah ee ku jira maqaalkaasi oo ay muuqato iskudey  la doonayo in lagu magac dilo saraakiil sare iyo hay’ado ganacsi oo taabo-qaaday oo Somaliland ah. Eedeyntaasina ay tahay mid khatar ah oo runtii  ah wax lagu qoslo. Runtana wax marin habaabin karaa aaney  jiraan.
 
“Somaliland waxa ay qiimeysaa deggenaanshaha iyo nabadda ay ku gaadhey halganka  adag, waxayna door firfircoon ka qaadataa dagaalka ka dhanka ah kooxaha xag jirka ah ee Geeska afrika. Run ahaantii Somaliland waxa ay u hurtaa adduun badan ka hortagga khatarta   Al-Shabaab,”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka wasaaradda Khaarajiga Somaliland.
Qoraalka ka soo baxay  wasaarada arrimaha dibada waxa kale oo uu xusay in barnaamijyada  hay’adaha caddaalada iyo xuquuqal insaanka si qeexan ay ugu yaalaan sida ay u taageersan yihiin xadhiga iyo dacwad ku oogida dagaalyahanada Al-Shabaab.
 
“Dawladda Somaliland waxa ay qaaday  masuuliyada deganaansho iyo amni ee dadkeeda, waxayna u hurtey qeyb libaax oo miisaaniyada dawladda ah nabadgelyada. Waxa aan kala shaqeynaa dalalka kale ee gobolka iyo bahweynta bulshada caalamkaba in aan is dhaafsano wararka ku saabsan argagixisada iyo khataraha amni. Iskaashigan dhow ee amni waxa uu gacan ka geystey in laga hortago khataraha argagixiso,”ayay yidhaahdeen masuuliyiinta wasaaradda Arrimaha dibaddu.
 
Warku waxa u intaa ku darey in ay tahay arrinta aad muhiimka u ahi in ay Somaliland ka  jirto taageero caam ah oo dimuqraadiyadeed iyo naceyb iyo aamin darro laga qabo  xag jirnimada.“Somaliland waxa ay jeceshay in ay fursadani mar kale ku celiso ka go’naanshaheeda iyo  sida aan la dafiri Karin ee ay uga soo horjeedo Al-Shabaab iyo sida oo kale sidey uga go’an tahay  in ay kala shaqeysi inta kale ka hortagga iyo la dagaalanka argagixisada iyo howlahooda burburinta ah ee tabaaleeyay dadka Geeska AFRIKA,” ayaa lagu soo afjarey qoraalka ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply