Xildhibaan Ku Baaqay In La Is Waafajiyo Xeerka Doorashooyinka Wakiiladda Iyo Madaxtooyadda

0
312

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Axmed Ducaale Bullaale oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada jamhuuriyadda Somaliland ayaa  ku baaqay  in la is waafajiyo sharciyada qabashada doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada ee lagu wado in ay isku wakhti dalka ka qabsoomaan sannadka 2017.
 
Xildhibaan Ducaale oo shalay u waramayay wargeyska DAWAN, ayaa waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in dib u  eegis  lagu sameeyo  xeerka doorashooyinka Somaliland, maadaama doorashooyinku ay culays ku hayaan dalka. waxaana uu carabka ku dhuftay in ay furan tahay in la kala qaado doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada iyo in mar la wada qabto.
“Doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada waa laba doorasho oo isa saaran oo culus, haddii la isa saarayna waa la wada qaban karaa, waxaana ay u baahan tahay in sharcigooda la is waafajiyo, haddii la yidhaahdo waa laba doorasho oo la kala qaado waa ay iska furan tahay oo mushkilad kuma aha doorashooyinka, sababtoo ah haddii la isa saarana waa in sharcigooda la is  waafajiyo sida loo dooranayo,”ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Ducaalle.
 
Xildhibaanku waxa kale oo uu intaa ku daray “Haddii la yidhaahdo is dul saarkoodu khal-khal iyo wareer ayay inna gelinayaan, waa in la kala qaado, tii la doonayana ha la soo horaysiiyo. dunidana waa ay ka jiraan wadamo laba doorasho mar  wada qabta, waxaanay u baahan yihiin doorashooyinkeennu in dib loo eego, waxaana digaandigaha innaga dhigay kaamban doorasho oo kama baxno, tallo qaran ayayna u baahan tahay in mar la wada qabto iyo in la kala qaado doorashooyinka madaxtooyadda iyo golaha wakiilada.’’
Mudane Axmed Ducaale Bulaalle  waxa uu sheegay in xeerka doorashada golaha wakiiladu uu u dabran yahay saami qeybsiga kuraasta golaha wakiilada waxaanu yidhi “Xeerkii doorashada golaha wakiilada wuu yaalaa golaha wakiilada hortiisa, waxaana wanaagsan in la fahmo waxa laysku hayo, layskuma hayo sharcigii lagu soo dooranayay golaha wakiilada, arrimo mabd’iyan ah ayaa la isku hayaa oo saami qeybsiga ku saabsan, taasina waxa ay u baahan tahay in laga heshiiyo sida loo qeybinayo kuraasta golaha wakiilada, markaa arrin sharci ku xidhan maaha waa arrin  afkaar siyaasiya ku xidhan ee maaha arrin u dabran sharciyad.’’
Xildhibaan Ducaale waxa kale oo uu kaambayn siyaasadeed ku tilmaamay hadal dhawaan ka soo yeedhay xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, hadalkaasi oo uu xildhibaan Siciid ku sheegayay in  ay golaha wakiilada hor keeni doonaan mooshin lagu ansixinayo gobalnimada Gabilay, waxaanu yidhi “Hadalkii Siciid Cilmi Rooble waxa uu iska ahaa kaambayn si uu cod u helo xisbiga Waddani, laakiin hadalka kaambanyka ah iyo sharciyadu waa wax kala duwan oo aan shaqo is ku lahayn, qolo waliba way odhanaysaa anagaa gobalnimo idin siinayna oo soo dhigayna golaha wakiilada.”
“Golaha wakiiladu waxa uu ka soo kala jeedaa gobalo badan oo afkaaro faro badani dhex yaalaan, sheekada gobolnimadana maaha wax xisbi ku xidhan ee waxa ay ku xidhan tahay sharci iyo shuruudo uu buuxiyo, taas ayaa looga baahan yahay, xeerka is maamulka iyo degmooyinka ayaana sheegaya oo gobolkii shuruudaha buuxiya ayaa la hor keenayaa baarlamaanka oo laga ansixinayaa, gobolka shuruudaha buuxiya, intaas oo gobol iyo degmo ayaa magacaaban oo sugaya in nidaamka sharciga ah la mariyo, Gabileyna waxa ay ka mid ahayd  meelihii uu xisbiga KULMIYE  codka ugu badan ka helay,  mana diidi karo gobalnimada Gabiley.’’ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply