Xukuumadda Oo Go’aan Ka Gaadhay Dekad Laga Dhisayay Deegaanka Ceel-Garde

0
463

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay go’aan ka soo saartay dekad yar oo laga yagleelay deegaanka Ceel-garde ee gobolka Saaxil, taasi oo dhismaheeda uu muran ka dhashay , waxaanay caddeysay inay tahay mid sharci darro ah.
Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland  Maxamed Muuse Diiriye, oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhismaha dekedaasi ay tahay mid sharci darro ah, isla markaana xukuumad ahaan aanay aqbalaynin in dalka laga binooyo deked aanay ruqsad haysan.
Wasiir Ku-xigeenku isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi
Deked aanay xukuumaddu fasaxin oo aanay iyadu dhisaynini maaha deked. dekedaha dawlada ayaa maamusha, iyadaa ogolaata oo dhista, isla markaana cid geysata halkii ay u aragto deked wax laga soo dajin karo, sida Maydh, Saylac iyo Berbera. dekedaha aynu naqaanaa waa kuwaa. Laakiin haddii meel walba oo baddeena dheeri marto uu reer waliba yidhaa deked baan ka samaysanayaa oo aan wax kala soo dagayaa, dalku fawdo ayuu galayaa mana aqbalayno taas, wax loo baahan yahayna maaha.”
Wasiir ku xigeenku  waxa uu intaa ku daray “Waxaan leeyahay shacabka ha ogaadaan inay dalka dawladi ka taliso oo waxay diiday ay diiday wixii ay fulinaysana ay fulinayso, mana aha in cid walbaaba intay qori iska qaadato waxay doonto yeesho, ninka wax diidaa inuu yidhaa anna gacantayda ayaan sharciga ku fushanayaa maaha, ka difaacanayaana inuu qori soo qaato maaha, loogamana baahna dalka taas, waxaanan leeyahay shacabka Somaliland waxaad xaq u leedihiin iyo waxaydaan u lahayn kala garta, anaguna ka dawlad ahaan talaabo ayaan qaadi doonaa.”
Mudane Maxamed Muuse Diiriye waxa uu dadweynaha ku dhaqan gobolka Saaxil ugu baaqay inay ilaashadaan amniga iyo xasilooniddooda, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay shacabka reer Saaxil ee kacsan hawl idinka idiin taala maaha, hawshaasina dawlada ayay u taala, haday dekedo dhisayso iyo haddaanay dhisaynba iyada ayay u taalaa, shicib diiidi karaana ma jiro, markaa waxaan idin leeyahay ilaashada amnigiina iyo xasiloonidiina.”
Wasiir Ku xigeenka amniga  ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Muuse Diiriye, sidoo kale waxa uu baaq u diray Sheekh Aadan Siiro, waxaanu u soo jeediyay inuu siyaasadda ku soo biiro, ama uu Masaajidka ka daayo siyaasadaha uu kaga hadlo waxaanu yidhi “Waxaan odhan lahaa Sheekh Aadan Siiro haka soo baxo masaajidka oo haduu siyaasadda aad u danaynayo golaha ha is keeno oo xisbiyada ha ka mid noqdo, sidaas ayaan ku boorin lahaa, kana fiirso sheekh Aadanow hadaad cid wax la doonayso marka danbe ee ay helaan haka daba tagin.”
Mudane Maxamed Muuse Diiriye waxa kale oo uu ntaa ku daray “Sheekh Aadan waxa uu ahaa raggii u doodayay maktabaddi Gaandi Library ee lahaa maktabada ayaa cid laga iibiyay halkan maanta la geeyeyna waa Sheekh Bashiir waxaanay khusaysaa waxbarashadda waxaa u joogsaday oo arrintana soo asteeyey maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Soltelco, markaa waxaan leeyahay Sheekh Aadan ka waantow waxan aad Masaajidada kaga hadlayso oo haddii aad danaynayso siyaasadda kaalay masharaxa siyaasadda.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply