Cabitaanka Saddex Koob Oo Shaah Ah Maalintii Waxay Adkaysaa Lafaha

0
369

Natiijada daraasad dhowan la sameeyey ayaa lagu ogaaday in ay shaaha ku jirto sir ah inuu adkeeyo lafaha ,gaar ahaana qaabkooda dhismeed oo uu 30% ka qayb qaato.
khubarada daraasadan waday oo dhowaan natiijadeeda soo saartay ayaa sheegay in saddex koob oo shaah ah maalintii haddii maalintii qofku cabo ay taasi keento inay lafaha jidhku adkaadaan.
cilmibaadheyaashan oo ka socday jaamacad ku taala wadanka Australia ayaa sheegay in uu shaahu faa’iido badan u lee yahay lafaha ,isaga oo adkeeya ,sidoo kalena uu jidhka lafihiisa u ilaaliyo qaabkooda dhisme.
daraasadan intii lagu jiray waxa sidoo kale la baadhay daraasado kale oo la sameeyey 10 sanno ee ugu dambeeyey,kuwaas oo laga sameeyey dad gaadhaaya ilaa 1200 oo qof,kuwaas oo isugu jira rag iyo dumarba,waxaanay dadkaasi ahaayeen kuwo da’da ugu weyni ay tahay 80 sanno,halka kuwo ka yar yar laftooduna ay ku jireen,waxaanay intooda badani shaahaasi cabayeen tobankaasi sanno intii lagu jiray.
khubaradan ayaa sheegay in shaahu lafaha kusoo kordhiyo unugyo cusub oo ah kuwa keenaaya inay adkaadaan ilkuhu,taasina ay tahay faa’idada shaaha ee ugu weyn ee uu jidhka u lee yahay.
 
 

Leave a Reply