KULMIYE Oo Cambaareeyay Weerar Lagu Qaaday Goob Diiwaan-gelineed Oo Ku Taalla Lughaya

0
280

Hargeysa(Dawan)-Xisbiga talladda Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa cambaareeyay  weerar shalay lagu qaaday goob diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu ka socotay oo ku taalla deegaanka hoos yimaada degmadda Lughaya ee gobolka Awdal.
Sidaasna waxa xalay  sheegay Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo war-saxaafadeed ka soo saaray dhacdadan, waxaanu qoraalkiisu u qornaa sidan:-
“Xisbiga KULMIYE waxa uu si adag u cambaaraynayaa weerar lagu qaaday goob ay ka socotay diiwaangelinta codbixiyayaasha oo ku taal deegaanka Hadayta oo hoos timaada degmada Lughaya ee Gobolka Awdal.
Weerarkan oo ay gaysteen koox dad abaabulan ahi  shalay (17/01/2016), isla markaana hakad galisay habsami-u-socodkii hawsha diiwaan gelinta ee goobtaasi, waxa xisbiga KULMIYE u arkaa mid carqalad ku noqonaysa fulinta diiwaan-gelinta iyo nabadgalyada bulshadaba.
Sidoo kale, ficillada fawdada noocani ahi waxay ka hor imanayaan dawladnimada iyo hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland, sidaasi darteed, waa in xukuumaddu tallaabo adag oo sharciga waafaqsan ka qaado cid kasta oo ku lug lahayd weerarkan ka dhanka ah diiwaangelinta ka socotay ee deegaanka Hadayta.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply