Xildhibaan Soo Dhaweeyay Hawl-galka Ay Waddooyinka Ku Bannaynayso Waddo Dawladda Hoose Ee Hargeysa

0
316

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland  ayaa soo dhaweeyay hawlgalada waddo bannaynta ah ee ay dawlada hoose ka bilawday magaalada Hargeysa,.waxaana uu ku amaanay Maayarka sida uu wax uga qabtay bilicda caasimada.
Cabdiqaadir Jaamac xaamud oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in golaha deegaanka ee Hargeysa looga baahan yahay in ay iska xilsaaraan sidii ay meel ku  haboon u dajin lahaayeen dadka ganacsatada ah ee meheradaha ku leh faras magaalaha,waxaana uu xusay in golaha deegaanku wadaan qorshe lagu hagaajinayo bilicda caasimada.
Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maayarka magaalada Hargeysa iyo golaha deegaanku waxay doonayaan in ay abilicda magaaladu hagaagto oo ay wado fiican yeelato, waxaanan ku boorin lahaa golaha deegaanka madaama aynu nahay dad iska danyar ah oo dadka meheradaha haystaa yihiin danyar waa in meel kale oo ay dagaan loo sameeyaa.”
Xildhibaanku waxa kale oo uu intaa ku daray “Mayarku wuu ku saxan yahay haddii uu is yidhi magaaladii habee waayo wuxu doonayaa in wadooyin fiican ay caasimadu yeelato, qalab fiicana wuu keenay, shaqo kastoo la qabanayana wax waa ka imanayaan, laakiin waxa aan soo jeedin lahaa in dadku meel ay ku qancaan la dajiyo, waana in la siiyo wakhti ay dadku kaga guuraan meelaha ay dagan yihiin.”
Mudane Xaamud waxa kale oo ugu baaqay gudida madaxweyne Silaayo  u magacaabay abaarta  baahsan  ee dalkan ka taagan in ay ka hawl galaan sidii wax loola gaadhi lahaa dadka ay abaartu saamaysay, waxaana uu yidhi “Waxa dalka ka taagan abaar baahsan, xukuumaduna dadaal badan ayay ka samaysay, madaxweynuhuna guddi ayuu u saaray shirkoodii u horreeyayna way bilaabeen, waxana aan rajaynayaa in gobalada barina laga hawlgalo, madaama dhinacaana abaartu saamaysay iyo dalka oo dhan ba, ganacsataduna waa in ay u gurmadaan dadkaa abaartu haleeshay.’’
Xildhibaanku waxa uu sheegay in loo baahan yahay in ay wada socdaan qiimaha maceeshada iyo hoos u dhaca ku yimi qiimaha lacagta doolarka, waxaana uu yidhi “Raashinkii qiimihiisii ayuu joogaa, waxaana ay ahayd madaama oo uu doolarkii hoos u dhacay in maceeshaduna hoos u dhacdo, oo ay la socoto, haddii baananka ganacsiga la furi-lahaana wax baa is dhimi lahaa.’’
 
Marwo Hinda Cabdi  Muuse oo ka socotay hayada DRC oo qaybka ahad dhismaha guryahan ayaa iyaduna halkaasi hadal ka jeedisay, waxaanay sheegtay in hayada DRC  ay wax u qabato barakacayaasha ku sugan gobalada iyo degmooyinka dalka, waxaana ay xustay in ay xukuumada ka wad shaqeeyaan arimaha qaxootiga.
Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka Somalialnd Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici waxa uu halkaas shahaado sharafyo ku guddoonsiiyay  hayadihii gacanta ka gaystay hirgalinta dhismaha guryaha ee DRC.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply