“ Habeenka Kasta Wuxu Ku Riyoon Jiray Cadaabka Hooyadii”

0
316

Wuxu habeen kasta ku riyoon jiray hooyadii oo dhimatay oo la cadaabayo. Maalin kasta waxay u ahayd naxdin. Waxaana uu Allah (sw) uga baryi jiray denbi dhaaf iyo naxariis.  Ducadaasi ayuu waday ilaa habeenkii danbe uu ku riyooday mid farxad xambaarsan. Habeenkaasi ayuu hooyadii riyada ku waraystay waxaana uu ku yidhi “ hooyo maxaa lagu cadaabayay mudadii 8 sanadood ahayd ?”. Waxaana ay ugu jawaabtay “ Waxa la igu cadaabayay koobkii caanaha ahaa ee subixii”.
Qisada wuu fahmay waxaana uu yidhi “ Aabahay wuxu ahaa mid gabadh hore qabay oo ay wiil u dhashay hooyaday horteed. Markii uu furay wiilkiisa yari wuxu joogay gurigayaga. Marka ay caanaha hooyday subixii na siinayso aniga waxay isiin jirtay  koob buuxa, walaalkayga aanay dhalina waxay siin jirtay koob badhkii oo caano iyadoo inta kalena biyo ugu buuxin jirtay”. Sidaasi ayay 8 sanadood cadaab ugu jirtay arrin ay dad badani yaray sanayaan., laakii xagga Allah (sw) ku weyn. Iska jir dulmiga iyo xadgudubka xuquuqda dadka aad gacanta ku hayso.

Leave a Reply