Tareen Aan Ciddi Wadin Oo Markii Ugu Horeysay La soo Saaray

0
278

waxa markii ugu horeysay la filayaa in laga hirgeliyo magaalada Moscow ee caasimada wadanka Ruushka tareen aan ciddi wadin oo lagu kaxayn doono koombiitar lagana hagi doono.
tareenkan ayaa noqonaaya tareenkii ugu horeeyey ee u shaqeeya habkan darawal la’aanta ah,iyada oo dad badani ay raaci doonaan,waxa kale oo tareenkani sidoo kalen uu noqon doonaa mid xawaarihiisu aad u dheereeyo,meelaha loogu talo galayna ku gaadha waqti ka yar inta ay tareenada caadiga ahi ku gaadhaan.
tareenkan waxa hadda gacanta ku haysa shirkadda lagu magcaabo MRT,taas oo waqtigan wadda sidii loogu shubi lahaa Programskii uu tareenkaasi ku shaqayn lahaa,iyada oo sidoo kalena lagu dhex calaamadinaayo Programkaasi meelaha uu dadka geyn karo iyo meelaha uu istaagaayo intaba.
tareenkan ayaa markii ugu horeysay lagu dhex tijaabiyey meel banaan ah oo ay shirkadaasi MRT lee dahay sannadkii ina dhaafay ee 2015 bishii September,iyada oo lagu guulaystay,waqtigaasina waxa la tijaabiyey hal xabo oo ahayd ta keliyaata ee samaysnayd.
Computer-kan ayaa ah mid qabanaaya tareenkaasi marka uu khalad ku jiro,isaga oo ku joojinaaya meeshaas khaladku ka jiro meel u jirta ilaa 3 centimeter,kaas oo sii wadaaya marka ciladaasi laga saaro ama uu khaladkaasi saxmo.
albaabada tareenka ayaa ah kuwo is xukumaaya markasta oo qofka rakaabka ahi degaayo iyo markasta oo uu soo fuulaayo,iyaga oo is xidhaaya marna is furaaya,isaga oo ilaalinaaya amaanka rakaabkaasi.
albaabada tareenkan ayaa is furaaya marka lasoo gaadho goobta loogu talo galay inay dadkaasi ku degaan,isaga oo inta kale aan is furayn,waxaana lagala soconayaa dhaq dhaqaaqyada tareenkaasi barta maamulka tareenkaasi .

Leave a Reply