Xisbiga WADDANI Oo Boorame Ka Bilaabay Qorshe Ay Ku Mijo Xaabinayaan Xalaalnimadda Diiwaan-gelinta Oo Ay Beelo Ku Tartan Siinayaan Gobollada

0
323

Boorame (Dawan)- Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa dadweynaha ku dhaqan gobollada dalka doonaya inay u tartan siiyaan qorshe ku dhisan qabyaalad iyo beello, taasi sumcad xumo ku ah  xisbigaas iyo nidaamka dimuqraadiyadda Somaliland labadaba.
Afhayeenka xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka hadlayay xaflad ay Boorame ugu sameeyeen haween ku soo biiray, ayaa shacbiga gobolka Awdal ugu baaqay inay ka bataan tirada dadka iska diiwaan-geliyay gobolka Tog-dheer. Waxaanu ku dooday inuu aaminsan yahay in tirada iska diiwaan-gelisa Awdal ay ka badan doonto intii kaadhka diiwaan-gelinta ka qaadatay gobolka Togdheer.
 
“Waxaan idiinka mahad naqaynaa taageerada haweenka Awdal u hayaan xisbiga WADDANI, waxa kale oo aan ku faraxsan nahay sida bulshadda gobolka Awdal ay ugu diyaar garoobeen diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee ka socda gobolka Awdal. Waad maqlayseen tirada gobolka Tog-dheer iska diiwaan-gelisay, gobolka Awdal-na waa la shaacin doonaa tirada iska diiwaan gelisa. Waxaanse idiinku bushaareynayaa inaad ka badataan mooyee inaydaan ka yaraanaynin gobolka Togdheer,”ayuu ydihi Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI  Ibraahim Mahdi Buubaa.
Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed, oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu Guddoomiye Cirro abaal siyaasiya ku leeyahay shacbiga gobolka awdal, waxaanu yidhi “Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ka soo jeedaa  beeshii la odhan jiray dhab libaax ee  siddeed Sannadood Madaxweyne Daahir Rayaale ku jiifay. Maantana waxa uu xaq inoogu leeyahay  inuu siddeed sannadood uu dhabta reer Awdal uu ku jiifo.”
Sidoo kalena Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi  (Cirro)  oo isna  ka hadlay xafladii ay u sameeyeen haween reer Boorame ah oo taageeray xisbigiisa oo uu ku sheegay inay ka soo digo rogteen xisbiga tallada haya ee  KULMIYE.“Farxad weyn ayey ii tahay in  ka xisbi ahaan aanu soo dhaweyno haweenkan tirada badan ee sida qurxoon u soo agaasimay, waxa aan lee yahay soo dhawaada, ku soo dhawaada gacmo furan, xisbi aan la kala lahayn, xisbi aan loo soo kala horeyn oo dhammaanba intii hore ugu jirtay iyo inta taageerayaasha u ahba ay ka mideysan yihiin oo qudhan hadafka isbedal dhabba oo qaranka laga suurto geliyo. Xisbiga WADDANI, waxa uu dhiiri-gelinayaa siddii gebi ahaanba kor looggu qaadi lahaa horumarinta haweenka iyo weliba sida oo kale siddii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen siyaasadda iyo horumarka qarankaba, gaar ahaan haweenka reer Awdal mudnaan gaara ayey noo lee yihiin, waxaana aanu idiin sheegaynaa in dalka aynu ku hoggaamin doonno cadaalad, sinnaanshiyo iyo horumar waara oo ay ku farxaan dadka jooga bari iyo galbeed.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Cirro.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply