Guddoomiyaha UCID Iyo Xoghayaha Warfaafinta WADDANI Oo Soo Dhaweeyay Guddida Aqoonsi Raadinta Ee Madaxweynuhu U Magacaabay

0
266

Hargaysa (Dawan):- Xubnaha kaga jira axsaabta mucaaridka ah gudidda uu madaxweyne Siilaanyo u  magacaabay  ictiraaf-raadinta Somaliland  iyo sidoo kale wadahadaladda u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ayaa si buuxda u soo dhaweeyay magacaabista gudidaasi iyo in ay xubno ka noqdaan labadaba.
Gudidan isku dhaf  ka ah ee uu madaxweynuhu u magacaabay hawlaha aqoonsi-raadinta iyo wadahadaladda oo ka kooban 12-xubnood, ayaa  isugu jira aqoon yahanno, siyaasiyiin, wasiirro ka tirsan xukuumadda, goleyaasha baarlamaanka iyo  xubno ka tirsan xisbiyadda mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI.Waxaana guddoomiye  u ah gudidaasi wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre.
Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo xoghayaha warfaafinta ee xisbiga WADDANI Boobe Yuusuf  Ducaale, oo xubno ka ah gudidaaso oo shalay si gooni-gooni ah warbaahinta ugula hadlay magaaladda Hargaysa, ayaa  si isku mid ah u soo dhaweeyay  in ay xubno ka noqdaan gudidaasi uu madaxweyne Axmed Siilaanyo u magacaabay aqoonsi-raadinta Somaliland iyo wadahadaladda u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.
Faysal Cali Waraabe,  oo xubin ka ah gudidaasi ayaa isagu dhinaciisa soo dhaweeyay gudidan uu madaxweynuhu u magacaabay ictiraaf-raadinta Somaliland iyo in uu xubin ka noqdo,  maadaama oo sida uu sheegay ay ku jiraan shaqsiyaad miisaan ku leh dalka. Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waan soo dhawaynayaa gudidan uu madaxweynuhu u magacaabay ictiraaf-raadinta Somaliland, waxaanna ku jirra dad badan oo waayo-arag ah, oo ay ahayd in mar horeba la is-ticmaallo oo laga shaqaysiiyo,  Waanan soo dhaweynayaa.  Waxaanan rejaynayaa in in uu ILLAAHAY guusha ina siiyo aan xaqqa u leenahay, wax bandanna aan doon-doonaynay.”
Guddoomiyaha UCID  waxa uu xusay in aan laga tallo-gelin  in uu xubin ka noqdo gudidaasi, hase yeeshee uu  hadana so dhawaynayo. “La igama tallo-gelin, xataa weli maan arag anigu, laakiin dad aad iyo aad u qiimo leh ayaa ku jirra, waanan soo dhawaynayaa” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Dhinaca kale, xoghayaha warfaafinta ee xisbiga WADDANI Boobe Yuusuf Ducaale oo isna xubin ka ah gudidaasi ayaa sheegay in uu dhinaciisa soo dhaweynayo  gudidan uu madaxweynuhu u magacaabay ictiraaf-raadinta Somaliland. Isagoo xusay in aan wax tallo ah laga waydiinin in uu xubin ka noqonayo gudidaasi iyo in kale.“Sidda aad warbaahinta uga maqasheen ayuunbaan aniguna warbaahinta uga maqlay, hase yeeshee markii aan la tashaday dad badan oo uu ka mid yahay guddoomiyaha xisbiga WADDANI C/raxmaan Cirro,  kadib markii aan rog-rognay arrintaasi, inkasta oo aan la igala tashan, hadana waxba kama qabo in aan ka mid noqdo gudida ictiraaf-raadinta  Somaliland. Wixii  tamartayda ahna, waxba ka hagran mayo” ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply