Xildhibaan Ka Tirsanaa Golaha Deegaanka Burco Oo Hargeysa Ku Geeriyooday Iyo Madaxweynaha oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay

0
399

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacbiga ka tacsiyadeeyay geeridda ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum- Maxamed Axmed Maxamuud Diingool, oo ka mid ahaa Xildhibaanadda Golaha deegaanka Hargeysa oo shalay ku geeriyooday caasimadda Hargeysa.
 
Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu xalay soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax), waxaanu u qornaa dhambaalkaas tacsida ahaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u  dirayaa Waxgaradka, waayeelka, Aqoon yahanka, iyo Golaha Deegaanka Burco ee uu ka baxay Marxuum Maxamed Axmed Maxamuud Diingool kuna geeriyooday Maanta oo taariikhdu tahay 21/02/2016 Hargeysa, laguna aasi doono Burco 22.02.2016.
 
Marxuumku waxa uu ka mid ahaa odayaashii waxgaradka ahaa ee ka soo shaqeeyey sidii qarankani dib ula soo noqon lahaa qarannimadiisa, iyo nabad kuwada noolaanshaha beelaha wada degan Somaliland, isaga oo wakhtigana ka mid ahaa xildhibaanadii golaha deegaanka Degmada Burco, ahaana xildhibaankii ugu da’a waeynaa uguna waayo aragnaa 21ka xildhibaan ee Golahaasi.
 
Sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somalilandba.
 
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo. Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Shacbiga Somaliland ee uu  ka baxdayna samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”
 
Geesta kalena waxa dhambaal tacsi ah oo kan la mid ah u diray shacbiga Somaliland Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi “Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga  Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Maxamed Kaahin Axmed iyo xubnaha kale ee hoggaanka xisbiga oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbigu waxay tasi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, asxaabta, golaha deegaanka magaalada Burco iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland geerida ku timi Marxuum xildhibaan Maxamed Axmed Maxamuud Diingool oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa (21/02/2016).
Marxuum Maxamed Axmed Maxamuud oo ka mid ahaa xildhibaannada golaha deegaanka degmada Burco, waxa uu door muhiim ah oo odaytinimo ka soo qaatay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dalka Somaliland, si gaar ah waxa uu ka mid ahaa waxgaradkii ka shaqeeyey nabadaynta iyo heshiisiintii beelaha Somaliland.
Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE waxay ALLE  uga baryayaan Marxuumka inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, golaha deegaanka Burco iyo guud ahaan shacabkana uu samir iyo iimaan ka wada siiyo AAMIIN AAMIIN.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply