Xooluhu Waxay innooga Baahan Yihiin Xannano Joogto Ah

0
411

Sida  la wada  ogsoon yahay waxaa dalka Somaliland   ka taagan abaar baahsan oo saamaysay nolosha dad iyo duunyo labadaba waxaana imika dalka ka socda gurmad lagu samata bixinayo taasoo ay waddo guddi uu Madaxweynaha Somlilanad u xil saaray  gurmadka abaaraha ee heer qaran waxaana gudigaas u guddoomiye ah Madaxweyne ku-xigeenka Somalilanad Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil.
Hadaba waxaa  lagama maarman ah in aynu talada ku darsano in Xooluhu ay u baahan yihiin gurmad joogto ah iyo in aynu gacan ka geysano xaalada halista ah ee ay ku nool yihiin waxaana inala gudboon in aynu xoolaha ka badbaadino dabar go,a si aynu uga hortagno khatar iyo halis ku timaada lafdhabrta dhaqan dhaqaale ee dalkeenu leeyahay kuna tiirsan tahay nolosheena koobaad.
Waxaa jirta in abaartu xoolo badan sahayatay oo ay meesha ka saartay isla markaana ay baxday in badan  oo ka mid ah LO,DA aynu dhaqano oo inteeda badani ku lee,atay deegaanada Waqooyiga ee dhanka xeebta Maroodijeex illaa Selel taasoo ku dhamaatay abaarta ku sadex jirsatay ee deegaanadaa ku dhufatay.
Habada waxaa loo baahan yahay in wax laga qabto isla markaana la badbaadiyo Xoolaha inta hadhay si looga hor tago dabar go,a duunyada aynu ku nool nahay.
Laakiin hadii aynu dadka oo kaliya badbaadino taasi waxay sabab u noqonaysaa  in aynu dadka oo kaliya badbaadintiisku ay keenayso in dadku wada caydhoobo isla markaana magaalada isugu yimaadaan taasoo meesha ka saaraysa in aynu noqono dad tabcada oo xoolo ay dhaqdaan ku tabca laakiin,waxaanay taasi meesha ka saaraysaa in dadkeena Xoolo dhaqatada ahi ay awdoo u yeeshaan in ay duunyo dhaqdaan isla markaana ay helaan gacan loo fidiyo oo dib loogu xoolaynayo laakiin haddaan la xoolayn oo nolosha dadka oo kaliya la badbaadiyo taasi waa dariiqa ugu horreeya ee ayny ku caydhoobayno waana ka loo baahan yahay in laga hor tago.
Haddii magaalada aynu soo wada galno oo aynu ka faro madhnaano xoolihii aynu ku noolayn ee dhaqaaleheenu ku tiirsanaa waxay taasi inga gayaysiinaysaa in aynu noqono dad  daaraha magaalada isugu wada yimaada oo ku noolaada nolol caydh iyo tacab la,aan ah.
Hadaba waxaay qormada Xoolaha ee Wargeysk Dawan ee todobaadkani ay ku talinaysaa in gacan laga wada geysto sidii loo xoolyn lahaa dadka reer miyiga ah ee ay xooluhu ka bexeen isla markaana guunyo ay dhaqdaan  laku kaaleeyo iyago ku sugna deegaanada ay xoolo raacatadu ku nool yihiin laakiin haddii dadka oo kaliya wax la taro oo aan la xoolayn ogow gurmadka samata bixinta ah ee aynu geysanay in uu ku kooban yahay maalmo yar wax la dhuunyado isla markaana ay dhibaatadii abaartu sababtay ay halkeedii taagan tahay oo ay jirayso illaa inta reer guuraaga la xoolaynayo.
Laakiin waxaan awood u leenahay oo aan samayn karnaa in aynu gacan ka geysano dhaqashada Xoolaha iyo  badbaadinta tarantooda taasoo ku xidhan in aynu  xoolayno dadkeena reer guuraaga ah ee ay xooluhu ka bexeen isla markaana aynu badbaadino laf dhabarta dhaqaalaheena oo halis ugu jirta in ay meesha ka baxdo.
Hadaba waxay balanteenu tahay in aynu soo celino xoolo dhaqatada caydhawday ee duunyadu ka baxday oo aynu ku xoolayno isla markaana aynu ka hor tagno caydh aynu isugu soo baxno taasoo ay inaga  furan karto oo kaliya in aynu gacan ka gaysano dhamaanteen kalaynta iyo xoolaynta dadkeena Xooluhu ka bexeen.
Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in aynu ogaano in xoolaha inta abaarta ku sugan ee sii riiqaysaana in ay  u baahan yihiin dawayn rasmi ah oo loo sameeyo sababtoo ah xooluhu waxay ku jilceen abaaraha ku dhuftay isla markaana waxaa yaraaday difaaca jidhkooda taasina waxay sababtay in ay u nuglaadaan dhaman cudurada ku dhaca xoolaha ee ay keento nafaqa daradu sidaa darteen waxaa lagama maarmaan ah in xoolaha loo sameeyo dawayn iyo baadhitaan si buuxda looga qayb qaato oo ay kaalinteeda ka soo baxdo Wasaaradda Xannaanaxa Xoolaha oo xilka qaran u qaabilsan Xoolaha ugana wakiil ah qaranka daryeelka iyo badbaadinta Xoolaha aynu dhaqano.
 

Leave a Reply