Guddoomiyaha Diiwaanka Sakada Somaliland oo Ka Hadlay Natiijada Socdaal uu ku Tegay Kuwait

0
298

Hargeysa(Dawan):-Guddoomiyaha Hay’adda Diiwaanka Sakada ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Siciid Maxamed Faarax, ayaa ka warbixiyey natiijada socdaal uu midho-dhal ku tilmaamay oo uu ku tegay dalka Kuwait.
Dr. Siciid oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa shalay, ayaa sheegay inuu guulo waaweyn oo mustaqbalka dhow qaranka Somaliland mahadin doono kala soo guryo-noqday safar 26 maalmood qaatay oo ku soo maray qaar ka mid ah dalalka Khaliijka Carabta, gaar Kuwait oo uu xusay inuu kulamo muhiim ah kula yeeshay masuuliyiin sare oo ka tirsan hay’adaha ugu waaweyn waddankaas ee qaabilsan gargaarka iyo caawimooyinka caalamiga ah.
“Waxaan Ilaahay uga mahad-celinayaa oo farxad iyo bushaaro ii ah inuu nagu guuleeyey ujeeddooyinkii uu daarranaa socdaal aan muddo ugu maqnaa Kuwait, iyadoo aan kulamo muhiim ah la yeeshay Wasiir-ku-xigeenka Diinta iyo Awqaafta, Madaxweynaha hay’adda caalamiga ee AXYAA TURRAATH oo ah ta ugu weyn guud ahaan hay’adaha gargaarka bixiya ee waddamada Carabta iyo weliba masuuliyiinta ugu sarreeya hay’adaha caawimooyinka bixiya ee dalkaas oo dhammaantood si weyn noo soo dhoweeyey, uguna qancay warbixinaha iyo baahiyaha kala duwan ee aannu hordhignay sida; taakulaynta abaaraha kulul ee waqtigan dalkeenna ka jira, caawimooyinka agoomaha iyo baahiyaha kala duwan ee Somaliland u baahan tahay in laga taageero,” ayuu yidhi Dr. Siciid Maxamed Faarax oo shahaadada sare ee PhD ka qaatay dhowaan jaamacad ku taal waddanka Maraykanka.
Waxa uu intaa sii raaciyey, “Ilaahay mahaddii waxa noo hirgalay laba ujeeddo oo safarkaygu xambaarsanaa – midda hore wuxuu ahaa in aannu aqoonsi caalami ah u helno Hay’adda Diiwaanka Sakada Jamhuuriyadda Somaliland oo muddo yar jirtay, taasna waannu ku guulaysanay oo dhammaan hay’adaha mucaawinooyinka u qaabilsan dalka Kuwait way na aqoonsadeen, waxaanay haatan Hay’adda Diiwaanka Sakada Somaliland ka mid noqotay liiska hay’adaha adduunka ee sida tooska ah loo siin doono deeqaha iyo caawimooyinka ay bixiyaan hay’adaha gargaarka gudaha iyo dibadda ee Kuwait.”
“Guusha labaad ee natiijada safarkaasi waxa weeye in hay’adaha gargaarka ee dalka Kuwait dhammaantood naga aqbaleen codsiyo aan kaga dalbay kaalmooyin waaweyn oo ay u fidiyaan Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan dhinacyada abaaraha, baahiyaha bulshada nugul, taakulaynta iyo gacan-siinta Hay’adda Diiwaanka Sakada Somaliland oo jirtay toban bilood oo keliya, waxaanan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa madaxda iyo masuuliyiinta waddanka Kuwait oo maamuus sare leh ii soo dhoweeyey,” ayuu yidhi Guddoomiyaha oo carrabka ku adkeeyey inay mustaqbalka dhow dalka iman doonaan caawimooyin waaweyn oo ka dhashay natiijada socdaalkiisii Kuwait.
Waxa kaloo uu u mahad-celiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wasiirrada Madaxtooyada iyo Maaliyadda – Md. Maxamed Xaashi Cabdi iyo Samsam Cabdi Aadan – oo uu sheegay in aannu la’aantood u suurtogaleen socdaalka uu midho-dhalkiisa ku bushaareeyey ee  Kuwait.
Geesta kale, Guddoomiyaha Hay’adda Diiwaanka Sakada Jamhuuriyadda Somaliland oo la weydiiyey su’aal ku saabsan illaa hadda inay jiraan tallaabooyin hay’addiisu sakooyinka ku waajibay kaga ururisay ganacsatada waddaniga ah, waxa uu sheegay inay muddada kooban ee xafiiskiisu jiray wax badan u qabsoomeen, isla markaana baayacmusharka reer Somaliland u bandhigeen inay 15% ka mid ah sakada xoolahooda ku soo hagaajiyaan hay’addiisa, isagoo tibaaxay in hawshaasi meel fiican u marayso, rajo weynna ka qabaan hirgelinteeda.
Ugu dambayn, waxa uu ugu baaqay ganacsatada waddanka inay la shaqeeyaan Hay’adda Diiwaanka Sakada oo uu ku tilmaamay inay tahay mid muhiimad weyn u yeelan doonta dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply