Mobile Ka Oo Jeebkaaga Ku Jira Saacad Wax Ka Badan Waxa Uu Keeni Karaa Dhalmo La’aan

0
286

Khubaro dhanka caafimaadka ah oo dhowaan daraasad sameeyey ayaa ka digay jeebka lagu qaato Mobile-ka oo ay sheegeen inuu caafimaadka qofka khatar ku yahay,gaar ahaana ragga oo ay uga digeen inay muddo hal saacad ay jeebka ku sitaan mobile-ka.
Cilmibaadheyaashan ayaa daraasadooda ku sheegay in haddii ay raggu wax ka badan saacad jeebada surwaalka ku sitaan mobile-ka ay taasi keento inuu ninkaasi noqdo ma dhalays,iyada oo ay meesha ka baxayaan ugxanta ninka oo ah waxyaalaha bacrimiyeyaasha ah .
Khubarada ayaa sheegay inay dhibaatadaasi timaado marka uu mobile-ku kusoo dhaco qofka ee lasoo garaaco,taas oo ay kazoo baxaan waxyaalo Radio Active ahi,kuwaas oo ku sameeya saamayn badan ku keena qofkaasi sita.
Waxa kale oo ay sheegeen khubaradani in uu qalabkani khatar badan yahay marka lagu hadlaayo iyo marka uu jaajarka ku jiro,haddii la dhigo sarariirta qofku hurdo agteeda,taas oo ay si toosa ugu soo dhacayso Radio Active aad u badan .
Daraasadan ayaa lagu sheegay in wadamada reer Galbeedka ay hoos u dhacday dhalmadii,iyada oo ay meesha ka baxeen caruurtii la dhalaayey 40%,taas oo ay sabab u tahay ragga oo ay dhaawac soo gaadheen ugxantii dhalmada .
Sidoo kale khubaradan ayaa aaminsan in waxyaala kulaylka ah iyo waxyaalo ay ku sheegeen in la yidhaahdo Electromagnetic ay dhaawacaan ugxanta ragga,iyaga oo laynaaya,madaama oo heer kulka ugxantaasi aad u kacaayo.
Khubarada dhalmada ee wadanka Ingiriiska ayaa digniin adag u diray ragga ,iyaga oo uga digay inay badsadaan isticmaalka Mobile-ka,iyaga oo iska yaraynaaya isticmaalkiisa.
Natiijada daraasadan oo lagu daabacay wargeyska Biomedical Reproductive ayaa lagu sheegay in markasta oo uu jeebka u dhowaado mobile-ku uu ka khatar badan yahay marka uu ka fog yahay.
 
 
 
 
 
 

Leave a Reply