Saraakiil Jarmal ah ayaa sheegay in la waayay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen 130,000 oo qof oo loo diiwaangeliyay magangelyo doon sannadkii hore.
Dawladda ayaa qoraal ay soo saartey ku sheegtay in aanay dadkaasi muhaajiriinta ahi ka soo xaadirin xarumihii qaabilaada ee loo jiheeyay.
Arrinta ayaa loo maleynayaa in ay ku sal leedahay in ay dadkaasi u sii hayaameen dal kale ama ay dhawr jeerba is diiwaangeliyeen.
ThosMuhaajiriinta la waayay ayaa ka noqonaya ilaa 13% dadkii magangelyo raadiska ahaa ee gaadhayay 1.1 million ee lga diiwaangeliyay Jarmalka sannadkii 2015.
Afhayeen u hadlay wasaarada daakhiliga ayaa sheegay in baarlamaanku ansixiyay tallaabooyin dhawr ah khamiistii oo wax lagaga qabanayo dhibaatada muhaajiriinta la waayay.