Codbixiyeyaasha Switzerland oo Diidey Sharci Takooraya Dadka Ajnebiga

0
339

Dadka  Switzerland ee aftida dhiibanaya  ayaa ku socda inay  diidaan qorshe si toos ah  loogu mustaafurinayo dadka shisheeyaha ah ee gala dembiyada yaryar, sidaasna waxa sheegaysa  warbixinta  hordhaca ah.
Qorshahan ayaa waxaa wata xisbiga garabka midig ee Swiss People’s Party.
Xisbiga ayaa sheegay in shacabka Switzerland ay aad uga walwalsan yihiin muhaajiriinta dalkooda ku soo badanaya iyo dhibaatooyinka la sheego in ay la yimaadaan.
Xisbiga ayaa doonaya in shisheeye kasta oo laba goor dembi yar gala muddo 10 sano gudahood ah, laga tarxiilo Switzerland isaga oo aan wax racfaan ah qaadan karin.
Dadka diidan qorshahan ayaa sheegaya inuu si aan cadaalad ahayn u beegsanayo afar meelood meel ka mid ah bulshada dalkaasi oo muhaajiriin ah, isla markaana uu kala soocayo cadaalada dalka.
Ugu dhawaan laba milyan oo heysta baasaabooro shisheeye ayaa u deggan si joogto ah ama sharci ah dalka  Switzerland, haseyeeshee helista dhalashada  Swisserland ayaa ah mid loo maro hab adag oo qarash badan , si toos ahna looguma helo xitaa qofka ku dhashaa, waxaana ka mid ah dadkan ajnebiga ah in badan oo aan weligood ku noolaan meel aan aheyn Switzerland.
Dawladda Swiss-ka ayaa sheegtey in boqolkiiba laba keliya shisheeyahaasi ku nool  Switzerland  loogu deeqay dhalashada  Swiss citizenship.
In ka badan shan milyan oo qof  ayaa u diiwaangashan in ay codkooda ka dhiibtaan aftida , waxaana codeyn kara oo keliya muwaadiniinta  Swiss-ka.

Leave a Reply