Malikul Jibril (cs) ayaa Rasuulkeena (scw) uga waramay qiso cajiib ah. wuxuuna yidhi:” waxaa jiray nin Ilaahay (sw) caabudayay 500 oo sano oo isku xigta. Wuxuu ku noolaa buur dusheed, oo bad biyo dhanaani ku hareeraysan tahay, hase ahaatee Allah(sw) ayaa buurta korkeeda u ka siiyay il biyo macaan, oo uu ka cabi jiray, waysadana u isticmaali jiray. Waxaa sidoo kale oo Allah (sw) ku arsaaqay midhaha geedka Rumaanka ah oo buurta dusheeda ka baxayay.
Maalin ayuu ayuu Allah (sw) ka baryay inuu dhinto isagoo sujuudsan. Allah (sw) ayaa ka aqbalay waxaana uu dhintay isagoo sujuudsan. Malikul Jibril (cs) ayaa yidhi “Maalinta Qiyaamaha Ilaahay (sw) wuxuu amrayaa Malaa’igta inay ninkaasi Jannada ku geeyaan Raxmaddiisa awgeed. Laakiin ninkaasi ayaa codsan doona in Jannada lagu geliyo camalkii uu shaqaystay darteed (500 Sano).
Kadib ayuu Allah (sw) amraya Malaa’igta inay is barbar dhigaan camalkiisa iyo nicmooyinkii Ilaahay (sw) ugu deeqay.
Intaasi ka dibna ayaa waxaa muuqanaysa in cibaadadiisii 500 sano ahayd aanay nimcada Allah(sw) siiyay xataa uga dhigmin isha wax lagu arko ee la siiyay. Markaasi ayaa Malaa’igta la amraya inay ninkaasi u kexeeyaan dhinaca naarta. Aad iyo aad ayuu ninkii u qeylinayaa isagoo Allah ka baryaya naxariis oo leh “Allow Naxariistaada igu geli Janada”. Jannada waxa lagu gala Naxriista Allah (sw) , waayo waxa dhex yaala ma goyan karaan camalka yar ee aan shaqaysnayno.