“Waxa Noo Qorshaysan In Aanu Xaafada State House-Ka U Helno Meel Loo Raro”

0
504

Hargeysa (Dawan)  – Wasiirka wasaaradda dib u dejinta Jamhuuriyadda  Somaliland   Cali Siciid Raygal, ayaa waxa uu shaaciyay in sannadkan 2016-ka ay u qorshaysan tahay in meel cusub loo raro dadka danyarta ah ee degan xaafada State House-ka ee magaaladda Hargeysa.
Wasiirku waxa sidaa ka sheegay kulan uu la yeeshay shalay  guddi hoosaadka joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland.
 
“Waxyaabaha aanu muhiimada saarayno ee noogu muhiimsan, noona qorshaysan waxa ka mida in aanu xaafada State House-ka u helno meel loo raro oo la dejiyo.Dhawr jeer oo la isku dayay may dhicin, se maayarka caasimadu wuxuu balan qaaday in uu dhulkii keeno. Markaa waxaanu rejaynaynaa in lagu guulaysan doono Sannadkan,’ayuu ydihi Wasiirka Dib u dejinta Somaliland.
 
 
Wasiir Cali Siciid waxa kale uu ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay wasaaradda sannadkii tagay ee 2015, isagoo arrintaa ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Sannadkii 2015-kii guud ahaan gobollada  waxa laga dhisay 852 guri, waxa kale oo jira 80 sandaqadood oo laga dhisay gobolka Sool. Waxa dib u dajin loo sameeyay 415 qoys oo dan yar ah, dadkaas waxa qaarkood loo iibiyay xoolo si  noloshooda loo kaabo. Waxaanay ku kala nool  yihiin gobolada Maroodi-jeex, Awdal iyo Togdheer. ”
 
“1811 qoys oo ka barakacay gobolka Awdal 2014 ilaa 2015 ayaa iyagana waxa loo sameeyay dhaqaale abuur iyadoo la siiyay lacago ay noloshooda ku maareeyaan.Gobolka Maroodi-jeex oo ah ka ay dadka barakacayaashu ugu badan yihiin waxa loo sameeyay sariibad weyn iyo saldhig boolis,” Ayuu yidhi Wasiirku mar uu ka hadlaayay sida ay u taageeraan dadka danyarta ah, waxaanu Intaas ku daray   “Waxyaabaha dadkaas barakiciya waxa ka mida,dagaalo, abaaro, dad danyar ah oo dhaqaale waayay, dad illaa markii wadanka la soo galay sidii iskaga danyar ah, dad beerihii abaaro kaga dhaceen iyo dad xoolihii ka baxeen.”
 
Wasiirku waxa uu guddida u sheegay ay wasaarad ahaan sii wadi doonaan guryaha loo dhisayo dadka danyarta ah, dhawaana ay ku hawl gali doonaan siyaasada barakacayaasha Somaliland oo ay dhawaan golaha Wasiirradu ansixiyeen.
 
Xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac oo ah gudoomiye ku-xigeenka guddida joogtada ah ee golaha Guurtida oo hawll gasha inta u dhaxaysa laba dal-fadhi ayaa waxa uu wasiirku ku bogaadiyay warbixinta uu wasiirku guddida ka siiyay wasaaradda uu madaxda u yahay iyo waxqabadka ay ku talaabsadeen.
 
 
 
SIXITAAN:War Soo Ku Baxay THE HORN TRIBUNE
Masuuliyiinta DAWAN MEDIA GROUP,  waxay bulshadda reer Somaliland iyo dhammaan dhinacyada ay saamaysay ka raali-gelinayaan ereyga FAAF-REEB (CENSORSHIP) oo sifo khaladan ugu soo baxay cadadadkii shalay 28/02/2016 ee The Horn Tribune, oo mataano yihiin DAWAN oo ciwaan looga dhigay  “Sahardiid Forms Media Sensorship Committee
Warkan oo ku saabsanaa guddi TAYEYN WARBAAHINTA Wasiirka Warfaafintu Cismaan Cabdillahi Saxardiid toddobaadkii hore u magacaabay guud ahaan warbaahinta Somaliland, kana kooban xubno waaya-aragnimo iyo aqoon u leh mihnada warbaahinta ayuu ujeedada abuuritaankooda, Wasiir Cadaani ku sheegay inay guud ahaan  dhiirigeliyaan luuqadda wararka lagu qorayo tayadeeda iyo erey bixintaba  isla markaana loo xoojin lahaa in saxaafaddu ka fogaato wixii dhaqanka iyo qiyamka bulshadda wax u dhimaya, sida filimadda musasaladda ah.
Mar labaad masuuliyiinta wargeyska DAWAN waxay ka raali-gelinayaan akhristeyaashayada iyo   cid kasta oo uu saamayn ku yeeshay warkaasi iyo kalmadda “FAAF-REEB” oo aan ahayn mid ku jirtay asbaabaha Guddida loo magacaabay.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply