“Xoolaha Ma Af Aqaano, Laakiin Waxaan Kaashanayaa Khubarrada Wasaaradda” Wasiir Cukuse

0
301

Hargeysa(Dawan):-  Wasiirka  wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),ayaa shalay  la wareegay xilkii wasaaradaasi kala wareegay wasiirkii hore   Cumar Sheekh Maxamed Faarax, oo haatan ah wasiirka duulista iyo hawadda.
 
 
Munaasibadii   ay labada wasiir xilalka kula kala wareegayeen oo shalay ka qabsoontay  xarunta wasaaradda xoolaha ee caasimadda Hargeysa,   waxaa ka soo qayb galay wasiirro, xildhibaanno,madaxda qaybaha kala duwan ee wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo marti sharaf  kale. Ugu horrayn waxaa munaasinadda xil wareejinta ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda xannanada Xoolaha  Dr.  Jaamac Maxamed Odowaa,  oo ka war bixiyay waxyaabihii u qabsoomay intii uu Wasiirka xilka wareejiyay wasaaradda joogay.
Waxaanu Wasiirka cusub war bixin ka siiyay  halka ay marayso hawshii seeraynta ee  Qool-cadaya iyo Aroori oo uu sheegay in ay meel wanaagsan marayso isla markaana sanadkan ay guul ku soo dhamaan doonto.
 
Wasiirkii hore ee xanaanadda xoolaha oo munaasibadaasi uu xilka ku wareejinayay ka hadlay   ayaa  ka  waramay  kaalinta ay xooluhu kaga jiraan nolosha bulshada reer Somaliland iyo siday ay daruuriga u tahay in wax loogu qabto mar kasta.
 
“Maanta   (shalay) haddii ay dhacdo in aay Dekeda Berbera waxba ka soo degi waayaan kaydka kaliya ee Bulshada Somaliland aynu u hayno ee Cunto ahi waa Xoolaha Nool oo inooga baahan in aynu dhamanteen u wada shaqayno oo aynu ugu guntano sida ugu wanaagsan. Waxaad  ogtahay Mudane Wasiir maanta haddii aad u tagto qoys reer miyi ah waxa ugu horreeya ee ay ku siinayaan ee ay hayaan waa neef xoolo ah oo ay kuu qalaan  waana  cuntada kaliya ee ay hayaan.”ayuu yidhi  Cumar Sheekh Maxamed Faarax.
Wasiirka cusub ee wasaaradda xanaanadda xoolaha  ayaa ballan qaaday dhankiisa in uu shaqada Wasaaradda kala tashan doono masuuliyiinta iyo khuburada jooga ee hore uga hawl gelayay isla markaana taladooda uu ku shaqayn doono si hagar la,aan ahna Wasaaraddu ugu adeegi doonto daryeelka Xoolaha Somaliland.
Isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa la igu yidhi dadka ayaad af-taqaanay ee Xoolaha miyaad af-garanaysaa waxaan leeyahay maya ma af-garanayo laakiin masuuliyiinta iyo khuburrada wasaaradda ayaan la tashanayaa oo aan wax waydiinayaa oo aanu wada jir shaqada u wada qabanaynaa waxaanan u wada shaqaynaynaa in xooleheenu ay daryeel joogto ah helaan.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply