Magaalada Boston ee Maraykanka xarun ganacsi ayaa dacwad ku oogtay gabadh lagu magacaabo Chakalin Forman taasi oo ay ka codsadeen inay uso celiso alaabo ay hore uga iibsatay, oo aanay bixin lacagteeda.
Gabadhan ayaa iibsatay alaabada talaajada , qasaalad, mishinka timaha qalajiya, TV iyo qalabka ilkaha lagu nadiifiyo kuwaas oo dhamaantood ku sheqeeya laydh laakiin haddana aanu gurigeedu lahayn lahayn dab qaybisooyin iyo weliba awoodii ay qalabkan oo dhan ku isticmaali lahayd.
Gabadhan oo maxkamadda looga yeedhay ayaa ka sheegtay inay alaabadan usoo qaadatay ka dib markii ay jaarkeedu u faaneen si ay u muujiso inay iibsan karto isla markaana ay gurigeeda yaalaan. Waxayna tidhi “ Waxaan diiday markii ay faan iga dayn waayeen, miyaanada haysan mishiinka timaha, miyaanad lahayd mushiinka ilkaha iwm… “
Xaakimka ayaa ganaax ku riday isagoo amrna ku siiyay inay celiso alaabadaasi, laakiin ninkeeda ayaa sheegay inuu bixin dono qiimaha alaabada. Ugu danbaystiina gabadhan ayaa calaacalkeeda ku soo xidhay “ Haddii aan faanka dumarka ladan ay ku hayaan jaarka joogsan waayo, arinkani wuxu noqon doonaa sahaale, wax ka weyn ayaa dhici kara”