Hargeysa(Dawan):-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),ayaa amar ku bixiyay in deg deg loo soo qabto dableydii toogashadda ku dishay ALLE ha u naxariistee Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Saaxil Marxuum-Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud.
Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal xalay ka soo baxay xarunta madaxtooyadda oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax), waxa kale oo uu Madaxweynuhu dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii, ciidanka Booliska iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Taliyihii qeybta Booliska Saaxil Marxuum-Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud, Waxaanu u qornaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa ciidamada booliska, iyo guud ahaan ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud (Casayr) oo ahaa Taliyihii qaybta booliska ee Gobolka Saaxil, oo maanta gacan ka xaqdarani ay ku dishay deegaanka Biyooley ee gobolka Saaxil.
Madaxweynuhu wuxuu si gaara tacsidaa ugu dirayaa qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuumku.Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey inuu waajib qaran gudanayey, isaga iyo ciidankii la socdayba, markii lagu dhagaroobay, waxaanu madaxweynuhu amar ku bixiyey in si degdeg ah gacanta loogu soo dhigo kuwa geystay dilka, meel kasta oo ay galaana lagaga daba tago, sida ugu deg-dega badana sharciga loo horkeeno.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”
Geesta kalena, Taliyaha Ciidanka Booliska Somalilnd Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo ciidan uu hoggaaminaya ayaa ku baxay dabley dishay shalay Taliyihii Booliks Gobolka Saaxil Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud(Casayr0 kuna dhaawacay askari kale oo ka tirsan ciidanka booliska.
Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland,ayaa ka hadlay dablay toogatay shalay Taliyihii Qeybta Booliska Gobolka Saaxil Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud(Casayr) oo koox shufto ahi shalay jidgooyo u galeen oo ay dileen isla markaana ay ku dhaawaceen askari kale oo boolis ah.
Taliye ku-xigeenka Labaad ee Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Daahir Cali Wacays iyo Af-hayeenka Booliska Gaashaanle Sare Faysal Xiis oo shalay fiidkii shir Jaraa’id wada jir ugu qabtay xarunta Qeybta galbeedka Gobolka Maroodejeex ee Caasimadda Hargeysa,ayaa sheegay in xilliga Taliyaha la dilay uu ku jiray hawl-gal qaran oo ay ku wada socdeen Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Saaxil isla markaana Taliyaha iyo madaxda kale ee la socotay oo hawl-gal shaqo ku gudo jira in loo galay meel u dhow deegaanka lagu magacaabo Biyooley oo ka tirsan gobolka Saaxil dablayda ayaa sidoo kale dhaawacday Askari ka tirsan Ciidanka Booliska oo la socday Taliyaha Geeriyooday.
Afhayeenka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis oo arrintaa ka hadlayay waxa uu yidhi “Maanta(shalay) waxay dabley hubaysani dileen Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Saaxil Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud(Casayr) oo ku gudo jiray hawl qaran waxaana lagu dilay deegaanka lagu magacaabo Biyooley oo ka tirsan gobolka Saaxil waxaana ku dhaawacmay askari kale oo ka tirsan Ciidanka Booliska, Taliyaha dhintay iyo askariga dhaawacmay iyo madax kale oo uu ka mid ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Saaxilba iyagoo ku gudo jira Hawl Qaran ayaa shuftadada dablayda ahi ay falkaa dambiga ah ee sabababy Geerida taliyaha ku kaceen. Waxaan halkan Tacsi qaran uga dirayaa Guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay gaar ahaan Ciidanka Booliska iyo qoyska iyo qaraabada uu ka geeriyooday Taliye Casayr oo ku dhintay gacanta dambiileyaal dhagartaa gaystay,waxaanan Marxuumka ALLE uga baryaynaa in uu jannadiisa wacan ka waraabiyo qaranka Somaliland,ehelka iyo ciidanka uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.”
Afhayeenka oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku kabay “Dilku markii uu dhacay Ciidanka Boolisku way ka hawl galeen waxaana goobta fal dambiyeedka dilka ahi uu ka dhacay ku baxay Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska iyo Ciidan uu hoggaaminayo arrintaa baadhisteediina way socotaa wixii ka soo baxana dib ayaanu idiinka soo sheegi doonaa.”
Taliye ku-xigeenka labaad ee Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Daahir Cali Wacays, oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa dawladda Somaliland, ciidanka booliiska iyo qoyska uu ka baxayba ka Tacsiyeeyay isla markaana bulshada kula dar-daarmay in ay is dejiyaan oo ay booliska la shaqeeyaan. “Taliyaha Booliska ayaa hawl galkaa u baxay oo ku maqan,Taliyaha la dilayna waxaan ALLE uga baryaynaa in uu naxariistiisa jano ugu deeqo oo uu jannadiisa geeyo gacan ka xaq daran oo dambiile ah ayaa dishay iyagoo hawl-gal qaran oo waajib ah ku jira ayay dablaydu dilkaa gaysteen askariga dhaawaca ahna waa la dawaynayaa oo xaaladiisu way fiican tahay. Bulshada gobolka Saaxilna waxaan u soo jeediyanaa in ay is dejiyaan oo ay booliska la shaqeeyaan nabad gelyadana la wada ilaashado.”
Dawannews Hargeysa office