Maxkamadda Degmada Hargeysa Oo Xukuntay Koox Ka Ganacsata Tahriibinta Dadka

0
394

Hargeysa (Dawan):  Maxkamadda degmadda   Hargeysa   ayaa  shalay   xukun isugu jira xadhig iyo ganaax lacageed ku riday siddeed iyo toban nin oo lagu helay  Ma-gafeyaal, kuwaasi oo la sheegay in ay  tahriibiyaan dadka.
18-ka   nin ee ma-gafeyaasha   ah   ayaa la sheegay in ay ahaayeen derawalo,  kuwaasi oo gaadiidka ay wataan  oo   dalka isaga kala goosha   ku   tahriibin jiray dadka ajaanibta ah ee wadanka soo gelaya.
Ragan  wax tahriibiya iyo gaadiidkii ay wateen ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamada amaanka Somaliland, xili ay  gacanta kula jira fal-dambiyeedka lagu soo oogay, isla markaana  maxakamada horteeda lagaga cadeeyay.
Guddoomiyaha maxakadamada degmada Hargeysa  gar-yaqaan  Cabdirashiid Maxamuud Beergeel, oo ah garsoorihii isagu xukumay ragan, ayaa xukunkaasi kadib la hadlay warbaahinta.  “Raggan oo ku gafay qodobka Lanbar 72, xeerka socdaalka Somaliland soona baxay, 27-kii bishii 11aad sannadkii 1995-kii, qodobada 17aad 30-aad 37aad xarfaha DKT.  Waxaa  lagu xukumay, min lix bilood oo xadhiga, iyo min hal milyan oo shilinka Somaliland ah, ganaaxa oo wada socda oo israacsan Gaadiidkii  ay wateena wuu xidhnaanayaan ilaa ay bixinayaan lacagta lagu xukumay ee ganaax  lacageed ah”ayuu  yidhi Beer-geel.
Sidoo kale guddoomiyuhu waxa uu warbaahinta u akhriyay magacyada dambiilayaashan xukunka laug riday waxaanu yidhi “Ragan la xukumay waxa ay kala yihiin “Mukhtaar Maxamad Ibraahin, 32 jira.  Maxamad Xasan Maxamuud 52 jir.  Fu’aad Abiib Cabdi 34 jir.  Mukhtaar Ibraahin Aadan 30 jir.  Xuseen Aw Jaamac Diiriye 35 jir.  Mubaarig Jaamac Haybe 32 jir.  Nuur Cilmi Diiriye 42 jir.  Cabdiqani Nuur Cilmi Bootaan 23 jir.  Khadar Maxamad Cilmi 31 jir. Siciid Maxamad 25 jir.  Nuur Ismaaciil Warsame 49 jir, Yuusuf Muuse Ibraahin 24 jir, Cabdi Saleebaan Cali 42 jir, Cabdi Maxamed Kaahin 27 jir, Cabdirisaaq Aadan Colow 28 jir. Barkhad Maxamad Cabdi 30 jir, Cabdi Caydiid Cumar iyo Mahdi Cabdi Madar.”  Waxa  uu sidoo kale tilmaamay in ka mid ah danbiilayaashan maxkamada la hor keenay uu danbigiisu ka culus yahay danbiileyaasha kale oo isaga libin laab la ganaaxayo waxaanu yidhi “Danbiilaha sagaalaad oo ah Khadar Maxamad Cilmi oo da’ diisuna tahay 31, jir watana gaadhi NOAH ah, oo caadayste ah oo horena gobolka Gabiley loogu xukumay, oo danbigan oo kalena lagu qabtay, tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka, ajaanibka ah, ee soo galaya dalkan Jamhuuriyada Somaliland, oo sifo sharciya, isagoo  danbi quuta ah waxaa lagu xukumay isaga laban-laab.
Waxaa  isaga gooni loogu xukumay hal sano oo xadhig ah, iyo ganaax lacageed oo dhan Hal-Milyan oo shillinka  Somaliland ah maadaama  uu danbigan ku noq noqday si uu ugu waano qaato haddii uu ku noqdana waa lagu kordhin doona xadhiga iyo lacagtaba.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply