Muuse Biixi Oo Ka Dayriyay Abaarta Ka Jirta Dalka Iyo Cawaaqibka Ka Dhalan Kara Shilalka Gaadiidka

0
429

Hargaysa (Dawan)- Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Jamhuuriyadda Somaliland, abaaraha baahsan ee saameeyay dad iyo duunyo iyo shilalka baabuurta ee muddooyinkan dambe dalka ku soo badanaya iyo dhibaatooyinka ay ku hayaan qaranimadda Somaliland.
Muuse Biixi waxa kale oo uu ka hadlay faro-gelinta maamul goboleedka Puntland ku hayo xuduudaha Somaliland, waxaanu sheegay in Somaliland aanay u dulqaad doonin faro-gelin lagu sameeyo xuduudaha iyo dhulkeeda.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, oo uu shalay booqday, waxaanu halkaasi kulan  kula yeeshay masuuliyiinta wasaaradda, waxaanu halkaasi kaga hadlay faro-gelinta Puntland, xaaladda abaarta iyo dhibaatada shilalka baabuurta ee ku soo badanaya Somaliland.
Muuse Biixi Cabdi isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Puntland waxay ku soo xad-gudubtay Qaranimada Somaliland, waxay soo galeen xuduudda Somaliland dhawr Kiilomiter, waxaanay ka bilaabeen dhismo ama magaalayn, waxaannu u sheegaynaa caalamka oo dhan iyo gaar ahaan Puntland inay wanaagsan tahay in nabadgalyo, walaaltinimo iyo iskaashi lagu wada noolaado, xad-gudubka xuduudka dhulalku waa mid caalamka oo dhan ka reebban, waxaanay keentaa cawaaqib aan fiicnayn.
Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland qaadan karimayso in dhulkeeda lagu soo xad-gudbo oo weliba dhisme laga bilaabo, jawaabta aannu bixinaynaa Qaran ahaan xisbi iyo xukuumadba waxa weeye in aannu ku dayno inta ugu macquulsan in Puntland looga digo qaladkeeda, waxaannu u soo jeedinaynaa inay ka noqdaan qaladkooda, waxaannu u badin doonaa hadalka iyo waanada intii suurtogal ah, haddii ay taa wax ku qaadan waayaana wixii dhibaato ah ee halkaa ka yimaada iyagaa ka masuul ah. Sidoo kale, waxaannu u sheegaynaa dawladaha jaarka ah, ururrada IGAD, EU-da iyo ururrada caalamiga ah oo dhan in aanaan u sinnayn gardarradaa ay ku kacday Puntland.”
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, waxa kale oo uu ku wargeliyey shacabka Somaliland inay la socdaan gardarrada kaga imanaysa dhanka Soomaaliya, “Ummadda Somaliland waxaan u dirayaa inay ogaadaan in faro-gelini ku soo koradhay oo ay innagaga timi xagga Puntland oo aynu u horimarin doono waano iyo wax-u-sheeg iyo inay qaladkooda saxaan, haddii ay ku qanciwaayaana in aan Qaranimada Somaliland u dulqaadan doonin in dhulkeeda lagu soo xad-gudbo,” ayuu yidhi.
Mujaahid Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay abaarta daran ee ka jirta Somaliland oo uu ku tilmaamay inay tahay oday ka sheekee sida taariikhda lagu hayo tii ugu xumayd ee soo marta Somaliland inta la xasuusto ee saamayn aad u adag ku yeelata dalka, waxaannu ugu baaqay shacabka in la isku tashado oo loo gurmado dadka abaartu dhibaataysay, “Ummadda Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay isku gurmato oo ka xoolo haya, ka xoog haya iyo ka fikrad hayaaba inuu dadka jilicsan u gurmado, Ilaahay uun baa innaga qaadi kara abaarta, gacan bani’aadam inoo soo diraana waxba inoo tarimayso ee teenna ayaa ka badan, tusaale ahaan dadka Hargeysa jooga oo lagu qiyaaso ilaa 800,000 (siddeed boqol oo kun) in laga yaabo saddex boqol oo kun, qof waliba inuu bixin karayo 7000 Somaliland shilin ah ama 1 dollar maalintii, waxay noqonaysaa saddex boqol oo kun oo dollar oo Hargeysa maalin bixisay, toban maalmoodna waxay noqonaysaa saddex milyan oo dollar, taasi waxay gaadhi lahayd dadkeenna reer miyiga ah oo dhan, saddex boqol oo kun oo qof oo tabaalaysan hal dollar wax buu u goynayaa oo ilmo gaajoonaya ayuu wax siinayaa. Markaa intaynu leenahay na soo gaadhaay bal innaga gudaheennu in aynu isku noqonno ayaa wanaagsan, waa in aynu masuuliyad iska saarno arrintaas, Ilaahayna aynu waydiisanno inuu innaga soo gaadho oo ducaysanno,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.
Guddoomiyaha KULMIYE waxa kale oo uu ka hadlay shilalka baabuurta iyo khasaaraha ka dhashay oo uu xusay inay noqdeen dhibaato u baahan in xal loo helo, sidaasi darteedna waxa uu soo jeediyey in la qaado olole wacyigelin ah oo dadka lagu fahamsiiyo dhibaatada baabuurta, waxaannu yidhi, “Shilalka baabuurtu waxay innaga dilaan tiro aan cudur kaleba dilin, dillaaga koowaad ee Somaliland ka jiraa waa baabuurta, tusaale waxa innoogu filan 15 qof oo laba qoys oo keliya ah ayaa shil baabuur innagaga baxay toddobaadkan, waynu dareemi karaynaa culayska arrintaasi leedahay ee waliba dadkaasi wada da’yar bay ahaayeen ilaa dhawr iyo labaatan jir.”
Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu talo iyo tusaale ka bixiyay sida looga bixi karo masiibada shilalka ee dalka ku soo badanaya, waxaanu yidhi “Masiibadaa shilalka baabuurtu innagu hayaan waxaynu kaga bixi karnaa, kow, in dadku guud ahaan fahmaan in baabuurku yahay aalad wax disha ee aannu ahayn aalad raaxo, haddii darawalka wada, ka leh iyo ka suuqa socdaaba intaa fahmo waxaynu ogaanaynaa in baabuurka khatar yahay. Laba, haddii aynu sharciga raacno oo qofku marka la yidhaa liisanka darawalka qaado oo imtixaan ha lagaa qaado aannu damcin inuu si fudud u qaato liisanka ileyn naftiisa iyo ta dadkaba khatar buu galinayaaye, sidoo kale dadka baabuurta leh waxay hagradaan inay baabuurka dayactiraan biriigiisa, isteerinkiisa, taayiradiisa iyo saliidiisaba, haddii intaas midna aan la eegin khasaare ayuu keenayaa oo dadka wuu dilayaa.”
“Markaa waxaynu u baahannahay in la qaado olole xoog ah oo la ogaado baabuurtu wad la saaran yahay inay yihiin oo wacyigelin laga sameeyo warbaahinta, dadka lagala hadlo masaajidada, ardayda dugsiyada laga baro baabuurku inuu yahay aalad wax dili karta,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE mujaahid Muuse Biixi Cabdi.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply