“Somaliland Waxay Ka Digaysaa Faro-galinta Qaawan Ee Cadaawadu Ku Dheehan Tahay Ee Ay Waddo Puntland”

0
387

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani) ayaa ka hadlay faro-galinta qaawan ee maamul goboleedka Puntland ka wado deegaan xudeedeedka Buuro Wadal oo ka tirsan gobalka Sool.
Wasiir Caddaani oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaarada warfaafinta ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in Somaliland xaq u leedahay difaacidda xuduudaheeda iyo ciideedaba,waxaana uu  ugu baaqay  maamulka Garoowe in ay ciidamadooda kala baxaan tuulada Buura-wadal oo hoos timaada gobalka Sool.
Wasiir Cismaan Cabdillaahi Saxardiid Caddaani oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Jamhuuriyada Somaliland waxa ay ka digaysaa farogalinta qaawan ee cadaawadu ku dheehantahay ee maamul gobaleedka Puntland ee ka tirsan dalka Soomaaliya ay ka wadaan xuduuudaha bari Somaliland.”
 
Mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), waxa kale oo uu intaa ku daray “Puntland waxay bilowday deegaamayn ay ka samaynayso tuulada Buuro-wadal oo ka tirsan gobalka Sool, kana mid ah ciid dhuleedka Jamhuuriyada Somaliland, waxa ay xaq u leedahay Somaliland difaacida ciideeda iyo xuduudaheeda duruuf  kasta oo jirta faraha kama laabanayso ilaalinta madax-banaanideeda iyo jiritaanka dhuleed, sidaa darteed waxa ay ugu baaqaysaa maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya in ay ciida Somaliland si deg-dega ugala baxo ciidamada ee  dadka rayidka ah lagu soo daldalayo, tuulada Buuro Wadal, is la markaana dib u liqaan hankooda ku saabsan mulkiga bogcad ka tirsan dhulka Jamhuuriyada Somaliland.”
Wasiir Caddaani waxa uu ugu baaqay beesha caalamka,  qaramada midoobay,  ururka midowga Afrika iyo Jaamacada Carabta in ay indhaha ku hayaan faro-galinta maamulka Puntland ku hayo xuduudaha Somaliland waxaanu yidhi “Jamhuuriyada Somaliland oo ku caan baxday ku wada noolaashaha  nabada dalalka gobalka, waxa ay u caddaynaysaa qaramada midoobay, midowga Afrika, Jaamacada Carabta iyo ururka goboleedka IGAD gardarada qaawan ee Puntland ku soo qaaday Jamhuuriyada Somaliland, waxaanu ku wargalinaysaa beesha caalamka in wixii dhibaato ah ee ka yimaada ay qaadi doonaan maamul gobaleedka Puntland ee dalka Soomaaliya.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply