Xisbiga KULMIYE Oo Cambaareeyay Dilka Taliyihii Qeybta Booliska Saaxil

0
404

Hargeysa(Dawan)-Xisbiga talladda haya ee KULMIYE, ayaa ku baaqay in sharciga la horkeeno koox hubaysan oo shalay  toogasho ku dishay taliyihii qeybta booliska gobolka Saaxil Marxuum-Cabdirisaaq Maxamuud (Casayr.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu xalay  soo saaray xoghayaha guud ee KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, kaasi oo u dhignaa sidan:-“Xisbiga KULMIYE waxa uu si adag u cambaaraynayaa falka xaq-darrada ah ee lagu dilay Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Saaxil Alle ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Cabdirisaaq Yuusuf Maxamuud Casayr oo koox hubaysani ku toogatay deegaanka  Biyooley ee Gobolka Saaxil maanta (01/03/2016) waqti isaga iyo ciidammo uu hoggaaminayey shaqo qaran u socdeen.
Falkani waxa uu waxyeelo ku yahay nabadgalyada, dawladnimada iyo kala dambaynta sharciga ee dalka Somaliland. Sidaas darteed, waxa uu xisbiga KULMIYE ku talinayaa in gurmad degdeg ah laga galo sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan-ku-dhiiglayaasha ka dambeeyey weerarkan foosha xun, si sharciga loo horkeeno ciddii gaysatay.
Ugu dambayntii, anigoo ku hadlaya afka Guddoomiyaha iyo hoggaanka KULMIYE iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ciidanka booliska iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdirisaaq Yusuf Maxamuud Casayr oo ay dishay gacan-ka-xaqdarani, waxaanan Ilaahay uga baryayaa inuu ka waraabiyo jannadiisa Fardowsa, qoyska iyo guud ahaan shacabkana samir iyo iimaan innaga siiyo. Aamiin…Aamiin….Aamiin.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply