Hay'adda NASA Ee Hawada U Qaabilsan Maraykanka Oo Soo Saaraysa Diyaarad Nooceedu Caalamka Ku Cusub Yahay

0
382

Hay’adda NASA ee hawada sare u qaabilsan wadanka Maraykanka ayaa markii ugu horeysay saxeexday heshiis lagu samaynaayo diyaarad nooceedu caalamka ku cusub yahay,taas oo qaadi doonta dad hadba intii loogu talo galo noqon doona.
heshiiskan ayaa qandaraaskiisu noqon doonaa lacag aad u tiro badan oo gaadhaysa ilaa $20 million oo lacagta Maraykanka ah,taas oo shirkadda diyaaradaasi samaynaysa la siin doono muddo 17 bilood ah ka dib marka ay soo bandhigaan qaabka diyaaradaasi noqonayso lana tijaabiyo inay ku guulaysteen iyo in kale.
diyaaradan ayaa noqon doonta nooca guuxeeda ka dheeraysa,iyada oo sidoo kalena ay ku dedaalayaan farsamo yaqaanada gacanta ku haya samaynta diyaaradaasi inay yareeyaan guuxeeda,madaama oo diyaarado ka horeeyey loo mamnuucay sababo dhanka codka ah.
afhayeen u hadlay hay’adda NASA oo lagu magcaabo Charles Bolden ayaa sheegay in wakaaladani NASA ay raadinayso habab lagu badbaadin karo degaanka,iyada oo la yaraynaayo qiiqa iyo codka diyaaradan,si looga maarmo diyaaradihii hore ee hawada wasakhayn jiray.
afhayeenkan ayaa sheegay in aan ilaa hadda la sheegi karin intay noqonayaan dadka ay qaadaysaa,madaama oo aan la dhamayn qorshaha samaynta diyaaradan,waxaanu intaas ku daray in la tijaabin doono diyaaradaasi,si rasmi ahna ay dulimaadkeeda u bilaabi doonto sannadka 2020.
 

Leave a Reply