Afar Cuntooyinka Aynu Cuno Kamid Ah Oo Noqday Kuwo Ka Hortaga Gabowga

0
864

Khubarada cuntooyinka caalamka ayaa cadeeyey in cuntadu samayn weyn ku yeelato caafimaadka iyo xaalada jidhka dadka ,gaar ahaana markay tayada lee yihiin.
khubaradan ayaa sheegay in uu jiro raashin dadka ka dhiga kuwo da’ahaan yar yar ,halka uu sidoo kalena jiro raashin kale oo qofka ka dhiga mid gabowsan ama da’ah,kuwaas oo labaduba kamid ah waxyaalaha aynu raashin ahaan u quudano ama u isticmaalo.
culimadan baadhitaanka daraasadan samaysay ayaa sheegay in ay jiraan afar cunto oo kala duwan ,kuwaas oo sameeya jidhka dadka  iyo caafimaadkoodaba,iyaga oo dadka kula taliyey inay isticmaalaan raashinkaasi ama cuntadaas oo ah mid qofka jidhkiisa ka ilaalinaysa inuu hore u gaboobo.
cuntooyinkan ayay sheegen in qaarkood ay lee yihiin waxyaalo dheecaano ah ,kuwaas oo jidhka ka ilaaliya gabowga,gaar ahaana dheecaanada loo yaqaano Glycation,Allaanzimi iyo kuwo kale,kuwaas oo marwalba ay sheegeen inay ilaaliyaan isu dheeli tirka dheecaanada unugyada jidhka.
waxa kale oo ay shegeen inay jiraan dheecaano uu jidhku sida Proteins ka oo kale u isticmaalo,kuwaas oo iyaguna ah kuwo sababa inuu jidhku noqdo mid aan isku urursanayn ama kala baxsan marwalba.
cuntooyinkaasi ka hortaga gabowga waxa kamid ah Sonkorta oo kaalinta kowaad kaga jirta ,waxa kale oo kamid ah Galayda oo ay sheegeen in galkeeda uu ka kooban yahay macdano badan,waxa sidoo kale ku jira Qamadiga oo isna galkiisu aad u wanaagsan yahay caafimaad ahaan iyo Protein ahaanba,waxa kaalinta afraad ku jirta Saliida Khudaarta oo ah saliid dadku aad u isticmaalo.

Leave a Reply