Daraasad ay dhowaan sameeyeen khubaro ka socday jaamacadda California ee wadanka Maraykanka ayaa markii ugu horeysay lagu ogaaday sababta keenta in qofku khajilo ama xishoodo.
cilmibaadhistan oo ay wadeen koox uu madax u ahaa khabiir dhanka Cilmi Nafsiga ku takhasusay oo lagu magcaabo Daniel Synetsr ayaa sheegay in khajilaadu tahay shay door weyn ka qaata badbaadada noolaha, kuwaas oo ka hortaga waxyaalo qofkasi ku dhici lahaa haddii aanu khajilayn ama xishoonayn.
waxa uu khabiirkani sheegay in shayga loo yaqaano khajilaadu uu yahay shay la kala dhaxlay, waxaanu sheegay in dadkii hore ay ahaayen kuwa laga dhaxlay shaygan, waxa kale oo uu sheegay inay jiraan unugyo iyaguna qaabilsan khajilaada oo ah kuwo soo daaya dheecaano kala duwan.
intii ay ku jireen cilmibaadhistan waxay khubaradani sameeyeen ayaa ahayd mid ay ku ladhnayd tijaabooyin laga qaaday dad ku kala nool Marykanka,India iyo Israel,kuwaas oo la weydiinaayey kaalinta ay kaga jiraan dadka mukhajiliinta ah.
waxaanay khubaradani sheegeen in ay tijaabadan ka heleen waxyaalo mujinaaya in haddii qofku khajilo uu ka badbaadaayo in uu yeesho dabeecado xun xun ama balwado kala duwan,waxaanay taasi tahay siday sheegeen mid ka badbaadinaysa khataro nafsaani ah oo uu la kulmi lahaa.
dhanka kalena khubaradan ayaa sheegay in uu khajilaada keeno dheecaano ay soo daayaan unugyo lid ku ah ama kasoo horjeeda unugyada soo daaya dheecaanada keena in qofkaasi noqdo qal qaali ama qof cadho badan,taas oo qofka haddii ay ku bataan dheecanadan khajilaadu ka dhigaaya ku khajilaad badan ,hadii ay ku yaraadaana ka dhigaaya mid cadho iyo dhib badan.























